Home Ethiopia oo sii wada dadaalada Ciidanka Bada lagu hormarinayo

Ethiopia oo sii wada dadaalada Ciidanka Bada lagu hormarinayo

Guddiga Baarlamaanka Itoobiya Oo Booqday Xarunta Dhexe Ee Ciidanka Badda Si Ay U Eegaan Horumarka Casriyeynta

Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Dibadda iyo Nabadda ee Golaha Shacabka ayaa dhawaan booqasho ku tagay Xarunta Ciidanka Badda Itoobiya ee ku taal magaalada Bahir Dar.

Intii ay ku gudo jireen kormeerka waxa guddida warbixin ka siiyey Taliye ku xigeenka Ciidanka Badda Admiral Naasir Aba Diga oo ka warbixiyey dedaalka dib u cusboonaysiinta Ciidanka Badda, kuwaas oo qayb ka ah qorshayaasha is-bedelka guud ee qaranka. Waxa uu tafaasiil ka bixiyay tillaabooyinka lagu guulaystay ee lagu tayeynayo shaqaalaha iyo horumarinta kaabayaasha badda.

Guddida Joogtada ah oo k
a duulaya xogtii ay ka heleen socdaalkooda, waxay ka wadahadleen gudashada waajibaadkooda shaqo ee ay u igmadeen dawladda iyo shacabka Itoobiya.