Home Afsomali Hoobiyayaal lagubgaraacay dhismaha uu shirku uga socdo Xildhibaanada dhawaan kitaabka ku dhaartay

Hoobiyayaal lagubgaraacay dhismaha uu shirku uga socdo Xildhibaanada dhawaan kitaabka ku dhaartay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomalaiya ayaa sheegaya in goordhow hoobiyeyaal lagu garaacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Villa Hargeysa, xilli uu ky shirayeen xubnaha labada Gole.

Hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay afaafka hore ee xarunta, xilli uu soo dhammaaday kulan ay lahaayeen xildhibaanada labada Gole oo lagu ansixiyey habraaca doorashada guddoonka.

Xaaladda goobta ayaa mar qura is-bedashay, waxaana qal-qal amni laga dareemay xarunta Baarlamaanka oo ay ka socotay shaqo adag oo lagu dardargelinayo doorashada.

Sida ay ogaatay somalisan.comĀ  waxaa jira khasaare u badan dhaawac iyo burbur ka dhashay hoobiyeyaasha lagu gaaray xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Arrintan ayaa sii kordhineysa walaaca laga qabo amniga dalka, xilli lagu kala guur iyo marxalad adag oo doorasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.