Home Afsomali Ilaa iyo 7 Hoobiyayaal oo Muqdisho dad ku laayey xiligii Afurka

Ilaa iyo 7 Hoobiyayaal oo Muqdisho dad ku laayey xiligii Afurka

Madaafiic geysatay qasaare isugu jira dhimasho dhaawac iyo burbur hantiyadeed oo Xiligii afurka lagu garaacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Ilaa 7 madfac ayaa la maqlayey jugtooda kuwaas oo ku habsaday  qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan gudaha iyo hareeraha Madaxtooyada Soomaaliya sids boondheere iyo wardhiigley .

intii la af-furayey ayey  ku dhaceen  qeybo ka mid ah degmada Wardhiiglay iyo gudaha  Villa Somalila

Mid ka mid ah mafaca moterka ama hoobiyaha ayaa ku dhacay afaafka hore ee Ex shineemo Xaawo taako ka soo horjeedka dugsiga sare ee 15ka may wuxuuna dilay will lagu magacaabi jirey Annas  halka walaalkiina uu labada luguud ka jabiyey kaasi oo isne magacìisa lagu soo koobay aawalaa

dhanka kale  labo ka mid ah ilaalada wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirasaaq Cumar Maxamed ayaa la sheegay inay ku dhinteen hoobiye ku dhacay guriga wasiirka oo ku dhex yaalla Villa Somalia.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa la sheegay inuu ka badbaaday hoobiyaha ku soo dhacay gurigiisa, waxayna ilo dhanka ammaanka ah  somalisan u xaqiijiyeen in waxa lagu garaacay aagga Madaxtooyada ay Hoobiye ahaayeen.

Habeeno ka hor ayaa magaalada laga maqalay junta waxaa loo maleeyey madaafiic  balse dhanka dowlada ayaa laga sheegay in ay ahaayeen waxyaabo dheemish ah oo aan awoodin in ay waxyeelo geystaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.