Home Afsomali Hoos u dhac ballaaran oo ku yimid Qiimaha lacagta Ruushka ee ruble.

Hoos u dhac ballaaran oo ku yimid Qiimaha lacagta Ruushka ee ruble.

Qiimaha lacagta Ruushka ee ruble ayaa Isniinta maanta ah hoobatay marka loo eego dollar-ka iyo Euro ee Suuqa Sarifka Lacagaha ee Msocow, xilli Reer Galbeedka ay Moscow ku ciqaabeen xayiraado dhaqaale oo ka dhashay duulaanka ay ku qaaday Ukraine.

Qiimaha ruble-ka ayaa maanta gaartay 100.96 halkii dollar, halka ay ka aheyd 83.5 Arbacadii, maalin ka hor duulaanka Ukraine. Sidoo kale halkii Euro ayaa waxaa lagu sarifayey 113.52 ruble, halka ay kahor weerarka ka aheyd 93.5.

Qiimo dhacan ayaa ka dhashay kadib markii Reer Galbeedka ay ku dhowaaqeen inay qaar ka mid ah Bankiyada Ruushka ka saari doonaan nidaamka SWIFT ee isku xira islamarkaana ay lacagaha isugu diraan Bankiyada Caalamka.

Ruble-ka ayaa markii horeba si weyn hoos ugu dhacay marka loo eego lacagaha waa weyn ee caalamka, kadib markii dadka Ruushka ay safaf dhaadheer u galeen ATM-yada, si ay lacagahooda ugala baxaan islamarkaana ugu bedeshaan lacago shisheeye kahor inta aanu ku dhicin qiimo dhac kale.

Bankiga Dhexe ee Ruushka ayaa Isniintii maanta ah sheegay inuu qaaday tallaabooyin deg deg ah oo lagu xoojinayo dhaqaalaha, oo ay ka mid yihiin in heerka dul-saarka sare loo qaaday boqolkiiba 20, halkii markii hore uu ka ahaa 9.5 boqlkiiba, “si loo taageero xasilloonida maaliyadda iyo qiimaha, loogana hortago qiimo dhac ku yimaada keydka lacageed ee shacabka.”

Bankiga ayaa sidoo kale ku dhowaaqay in shirkadaha Ruushka ee dakhliga uu kasoo galo wax dhoofinta ay qasab tahay inay 80 boqlkiiba iibiyaan dakhliga kusoo galay lacaghaha qalaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.