Home Afsomali hoos u dhac weyn oo ku yimid heerka kalsoonidii lagu qabay farmaajo...

hoos u dhac weyn oo ku yimid heerka kalsoonidii lagu qabay farmaajo iyo kheyre

 

Cilmi baaris ay wada jir ah u sameeyeen hay’adaha Farsight Africa iyo IPSOS ayaa muujineesa in hoos dhac kalsoonida dadweynaha ay ku qabaan hey’adaha dowladdu ay jirto xilligan marka loo eego sanadkii 2017-kii.

Cilmi baarista ayaa dhinaca kale muujisay in dowladdu ay ku taagantahay dhabbihii dowladnimada balse ay hoos u dhacday kalsoonidii lagu qabay sida madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, garsoorka iyo baarlamaanka.

Hay’adaha sameeyey daraasadda ayaa waxa ay su’aalo weydiiyeen 1,500 oo qof oo Soomaali ah oo ku kala nool magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya, sida Muqdisho, Kismaayo, Beledweyne iyo Garoowe.

Waxyaabaha dadka wax laga weydiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa arrimaha ammaanka, dhaqaalaha iyo garsoorka, ayada oo magaalooyinka ay ku kala duwaanayeen heera kalsoonida.

Hay’adda waxa ay sheegtay in kalsoonidii lagu qabay madaxweyne Farmaajo tan iyo markii la doortay, oo ahayd 89% ay hoos u dhacday 19%, halka Kheyre uu lumiyey 21%.

Sanadkii 2017-kii, heerka kalsoonida madaxweynaha waxay mareysay 86%, balse haatan ay tahay 67%, tan oo weli ah tiro aad u sarreysa marka la barbardhigo inta badan madaxda dunida.

Sidoo kale, kalsoonida ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ay ku qabaan shacabka ayaa hoos u dhacday oo gaartay 62% halka sanadkii 2017-kii ay ahayd 83%.

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cilmi-baaristan, ayna ku faraxsan yihiin in dadku aaminsan yihiin in dowladda ay jidka toosan ku socoto.

Cabdirisaaq Aadan Maxmaed, oo ah madaxa fulinta hay’adda Farsight Africa oo wareysi siiyey idaacadda VOA-da ayaa ka warramay cilmi baaristan iyo waxa ay ku saleeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.