Home Afsomali Hooyo soomaaliyeed oo gabadheedii gowracday ka dibna u yeertay ninkeedii

Hooyo soomaaliyeed oo gabadheedii gowracday ka dibna u yeertay ninkeedii

 

IMG_0152

Ciidamada Booliiska magaalada Melbourne ayaa xabsiga u taxaabay hooyo soomaaliyeed oo lagu magacaabo Umal Sharif Abdurahman taasi oo gowracday gabar 13-bilood jirta oo iyada ay dhashay.

Umul shariif ayaa Dilka waxa ay u adeegsatay mindi iyadoo markii danbana wacday saygeeda oo shaqo ku maqan una sheegtay in ay dishay gabadhooda.

Intaasi kidib ayuu seygeeda waxa uu kasoo tagay shaqada si uu dhacdadaan u arko waxa uuna guriga tagay iyadoo gabadha yari ay nafta ku jirto, isagoo wacay Ambalaas balse nasiib daro cunugtii ayaa naf baxday inta aysan ambalaasta imaan, intaasi kidib ayaa hoyga ay ka deganaayeen xaafada Resivor ee magaalada Melbourne waxaa gaaray ciidamo Police ah oo xabsiga dhigay hooyadaasi soomaaliyeed.

Dhacdadaan  ayaa waxa ay argagax ku abuurtay soomaalida ku nool magaalada Melbourne ee dalkan Australia. Umul shariif ayaa dhashay sedex caruur ah oo kale, Baaritaan la sameeyay ayaana la sheegay in hooyadaasi soomaaliyeed maskaxda looga jiray xiliga ay geysaneysay falka.

Ciidamada booliiska ayaa sheegay in umul shariif la maxkamadeyn doono iyada oo aan la ogeyn waxa uu xukunkeeda noqon doono maadaama ay tahay qof maskaxda looga jiro.

Falkan ayaa waxa uu kusoo aadayaa saacado kidib markii wiil soomaali ah uu fal afduub ah ka geystay magaalada Mlebourne ee dalka Australia balse markii danbe ay ciidamada Booliiska ay toogteen, waxa ayna arimahani ay walaac ku abuureen soomaalida ku nool dalka Australia.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.