Home Afsomali Hormuud Salaam Foundation oo deeq gaarsiisay Isbitaalka Laansareeti iyo 200 oo haween...

Hormuud Salaam Foundation oo deeq gaarsiisay Isbitaalka Laansareeti iyo 200 oo haween danyar ah. (DAAWO SAWIRADA)

Hormuud Salaam Foundation oo deeq gaarsiisay Isbitaalka Laansareeti iyo 200 oo haween danyar ah.

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta deeq raashiin waxa ay gaarsiisay Isbitalka Laansareeti ee Magaalada Muqdisho.
Isbitalkan ayaa waxaa lagu daryeelaa dadka dhimirka la’, waxaana hay’adda samafal ee Hormuud oo dardargelinaysa mashruuca taakuleynta iyo afurinta dadka masaakiinta ah waxa isbitaalka gaarsiisay raashiin isugu jira bur, bariis, sonkor, saliid iyo timir.
Gudoomiye Kuxiggeenka Hormuud Salaam Foundation, Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda wareejinta deeqda ayaa sheegay in deeqdan ay qayb ka tahay wax u qabashada dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba ee HSF ay fulineyso bishan barakeysan ee Ramadan.
Agaasimaha Isbitaalka Laansareeti, Drs Faadumo Cabdi Mocow ayaa kaga mahadcelisay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation gargaarka ay soo gaarsiisay isbitaalka, iyadoo sheegtay inaysan ehayn markii ugu horeysay ee mar walba oo la gaaro bisha Ramadan ay il gaar ah ku fiiriso dadka kuwooda ugu nugul.
Dhanka kale Hormuud Salaam Foundation ayaa isla maanta deeq isugu jirta lacag iyo timir waxa ay gaarsiisay illaa laba boqol oo haween, oo ka mid ah dadka danyarta ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Raaxo Xusen Xirsi oo ka socotay HSF ayaa ka hadashay goobta haweenkaasi loogu guddoonsiiyay deeqda lacagta iyo weliba timirta, waxayna sheegtay in deeqdan ay ugu talagaleen in haweenka danyarta ay kaalmo u noqoto, inta lagu guda jiro bisha Ramadan.
Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo halkaasi ka hadashay ayaa HSF ku ammaantay mid mar walba u taagan caawinta haweenta danta yarta ee aan waxba haysan.
Hormuud Salaam Foundation ayaa dardargelinaysa caawinta dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba, iyadoo hay’addu marka la gaaro bisha barakeysanee Ramadan, ay fuliso mashaariicda noocan oo kala ah, waana xilli ay hay’addu waddo barmaamij kaasi ku lamaanan oo dadka danyarta ahi lagu afursiiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.