https://youtu.be/SBgPitAies4
Waxaa labadii Bil ee la soo dhaafay soo kordhayay dhalinyaro Somaliyeed oo ku Xirnaa Xabsi ku yaala dalka Kenya gaar ahaan magaalada Mombasa oo dib u Helay xoriyadooda, waxaana dhalinyaradaas ah ahaayeen kuwa lagu Eedeeyay Bur cadbadeednimo.
Waxaa howshaas aad ugu mashquulsanaa Bilihii la soo dhaafay Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Cali Maxamaed sheikh Cali Bagadi oo arimtaas ka miro dhaliyay.
Qunsul Cali Bagadi ayaa gaarsiiyay deeq isugu jirta dhar iyo tikidho gaarsiiyay maxaabiis Soomaaliyeed oo dhameystay xabsiyo u dhaxeeya 9 ilaa iyo 8 sano.
Maxaabiistan oo tiradoodu ay gaarayso ilaa 7 dhallinyaro Soomaali ah ayaa dhameystay xabsiyo u dhaxeeya 9 ilaa iyo 8 sano, kaddib markii lagu eedeeyay falal burcadbadeednimo ah.
Masxabiistaan oo dib ugu laabtay dalka Soomaaliya ayaa ku ku amaanay safaarada Somaliya ee Kenya dadaalkii ay samaysay gaar ahaan ayaga oo amaan Huwiyay Qunsulka safaarada Somaliya ee Kenya Cali Bagadi oo ay ku Tilmaameen Muwaadin dhab ah.
“Waxaan aad u soo dhoweyneynaa dadaalkii safaarada Somaliya ee Kenya gaar ahaan qunsulkeena Cali Bagadi, sidoo kale safiir Jamaal iyo dhammaan shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo aad noo caawin jiray intii aan xabsiga ku jirnay”ayay yiraahdeen qaar kamid ah maxaabiista xukunnada dhameystay oo la hadlay saxaafada markii ay tageen Muqdisho.
Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ka safaarad ahaan ay had iyo goor diyaar u yihiin caawinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan wadankan Kenya.
Sidoo kale dadaalada ay wadaan danjire Jamaal iyo Qunsul Cali Bagadi ayaa ah mid aad u Muuqda oo ay Bulshada Soomaaliyeed ee dagan Kenya gaar ahaan Nairobi ay aad u hadal hayaan.
Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa waxay ku Xiranyihiin ku dhawaad 5 dal oo ka tirsan caalamka kuwaas oo aan sida looga war Qabo kuwa ku xiran Kenya aan looga warqabin, taasi oo Muujinaysa xaalada adag oo ay ku shaqayso safaarada Soomaaliya ee Kenya iyo dadaalka Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Jamaal iyo Qunsul Cali Bagadi oo la taaban karo.
Cabdixakiin Cilmi xasan Cabdixakiin441@hotmail.com
Dhanka youtube ka linkiga hoose
More VIDEOS https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0