Ciidamada Taliska qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa xalay howlgal dad farabadan lagu soo qabqabtay ka sameeyay Xaafado katirsan degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo dadka kunool ay ka cabanayeen Kooxo Burcad ah oo dhac u geysanayay.
Ciidamada ayaa baaritaano xoogan ku sameeynayay Guryaha qaar iyo Gaadiidka nooca raaxada ah ee isticmaala waddooyinka kuyaalla degmooyinka Bari ee Gobolka Banaadir, waxaana lagu qabqabtay tiro dad ah oo oo isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalena dhac geysanayay.
Taliye kuxigeenka qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii looga hortegi lahaa Al-Shabaab oo mararka qaar falal Amni darro ka geysta degmooyinka Bari, Ciyaal Weerarada iyo Kooxaha Burcadda ah ee dhaca u geysanaya Shacabka.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in howlgankaan uusan aheyn kaliya mid billow ah, balse uu socon doono ilaa iyo inta laga xaqiininayo Amniga Guud ee degmooyinka Gobolka Banaadir.
Qaar kamid ah Bulshada kunool degmooyinka Bari ee Gobolka Banaadir ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay ka cabanayeen Kooxo hubeysan oo habeenkii dhac u geeysanaya iyo Ciyaal weero, taas oo keentay in Ciidamada Booliska ay howlgallo fuliyaan.