Home Afsomali Howlgallo ka socda degaano katirsan Gobolka Hiiraan

Howlgallo ka socda degaano katirsan Gobolka Hiiraan

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Maamulka Hir-Shabeelle ayaa howlgallo xoogan ka wada duleedka degmada Matabaan oo katirsan Gobolka Hiiraan.

Howlgallada oo ay horkacayaan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan & Saraakiisha guutada 5aad qeybta 27aad ayaa ka dambeeyay kadib markii Kolonyo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka lagu weeraray inta u dhaxeeysa degmada Matabaan iyo degaanka Qabno.

Dagaal kooban ayaa la sheegay in uu dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, waxaana War kasoo baxay Al-Shabaab ay ku sheegeen inay dagaalka kudileen Askar katirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa horay u sheegay inay howlgallada wadi doonaan ilaa iyo inta ay Al-Shabaab ka saarayaan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan.

Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyo degaannada ku dhow dhow ayaa waxaa dhowr jeer la wareegay Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab wallow markii dambe dib looga saaray, iyada oo weli Ciidamada xoogga dalka ay howlgallada ka wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.