Home Afsomali Howlgallo ka socda Gobolka Hiiraan & Ciidmada dowladda oo degaano horleh la...

Howlgallo ka socda Gobolka Hiiraan & Ciidmada dowladda oo degaano horleh la wareegay

 

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo isugu jira qeybaha 21aad iyo 27aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Kumaandooska DANAB ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay kula wareegeen deanka Ceel-lahelay oo katirsan gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ah wehliyaan xildhibaan Maxamed cabdiqaadir maxamed oo ka tirsan Golaha Shacabka, wasiiro ka’tirsan Dowlad Gobaleedka Hirshabelle iyo saraakiisha Ciidamada Kumaandooska DANAB ayaa gaaray degaanka lala wareegay.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa ka codsaday Shacabka in ay xoojiyaan la shaqeeynta laamaha amniga, isaga oo xusay in ay fursad Dahabi ah u haystaan Shacabka reer hiiraan taas oo ay ku xaqiijin karaan Nabad-galyadooda dhuleed iyo midnimo.

Bilihii la soo dhaafay ayaa Ciidmada xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadeen degaano hoostaga degmooyinka Maxaas & Matabaan ee Gobolka Hiiraan, iyada oo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo horkacayay uu shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabtay Magaalada Beledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.