Home Afsomali Howlgalo ka dhacay Qoryooley iyo Janaale dad ay ka soo gaartay...

Howlgalo ka dhacay Qoryooley iyo Janaale dad ay ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawacyo oo la geeyey Ispitalka Djgfeer

Meydadka dad xalay lagu diley deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose kadib markii ay howlgalo sameeyeen ciidamo isugu jira Soomaali iyo ajnabi ayaa la keenay magaalada Muqdisho.Meydadkan oo gaaraya  shan ruux ayaa la sheegay in ay ahaayeen dad xoogsato ah oo ku sugnaa boosteejo gaadiidka ay ku kala wareegaan oo qudaar laga keenay Qoryooley iyo  Janaale la doonayay in lagu wareejiyo gaadiid ku soo jeeday magaalada Muqdisho.

 Sidoo kale howlgalka ay xalay fuliyeen ciidamada gaarka ah ayaa lagu dhaawacay afar ruux oo haatan lagu daweynayo isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho halka ay saddex kale ay ka kaxeysteen goobtii ay ku sugnaayeen.

Hase yeeshee afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Cabdicasiis Xildhibaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalka xalay ka dhacay duleedka Bariire ay fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ku duulay goob bartilmaameed aheyd dadka lagu dileyna ay ahaayeen Al-Shabaab.

Waa markii labaad oo ay ciidamo isku dhaf ah oo ah Soomaali iyo Maraykan ay ku dilaan dad rayid ah deegaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.