Home Afsomali isqabqabsi laga dareemayo Ergooyinka Beelaha ee soo dooranaya Xildhibaanada Aqalka hoose

isqabqabsi laga dareemayo Ergooyinka Beelaha ee soo dooranaya Xildhibaanada Aqalka hoose

Is qab qabsi iyo khilaaf ayaa ka taagan sida loo qeybsanayo ergooyinka Beelaha ee soo dooranaya Xildhibaanada Aqalka hoose, iyadoo beelaha qaar ay isku maandhaafsan yihiin soo xulitaanka tirada beel walba ka soo gaartay 51-ergo.

Sida ay sheegayaan warar aanu heleyno is-maadhaafka ka jira soo gudbinta ergada beelaha ayaa waxaa qeyb ka ahaa siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan dowladda waqtigeeda dhamaaday oo doonaya in shaqsiyaad si gaar ah u wataan in loogu daro, si ay iyaga u doortaan.

Wararka qaar ayaa intaa ku daraya odayaasha dhaqanka ee 135-ta ah ay u gudbiyeen Beelaha inay soo gudbiyaan liiska 51 ergo, hase ahaatee uu is qab qabsi ka jiro.

aqalka-sare

Wararka ayaa intaa ku daraya in Siyaasiyiin damac ku jira ay doonayaan in xubno iyaga taageersan in loogu daro ergada, taas ayaana sabab u ah in waqtigii la filayay soo gudbinta liiska ergooyinka uu dib u dhaco.

Guddiga doorashada ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ka hadlo caqabadaha ka taagan ergooyinka aan wali la soo gudbin iyo dib u dhacyada ku imaan kara doorashada, waxaana dhowaan ugu baaqeen Odayaasha inay soo gudbiyaan liiska rasmiga ah ee ergooyinka.

Olole ballaaran oo ay wadaan Musharaxiin u taagan kuraasta Xildhibaanada ayaa ka socda magaalada Muqdisho, waxaana arrintan kala qeybsanaan ku kala eegtay xubno horay saaxiib u ahaa, oo markan noqday kuwo isku damac ah oo Xildhibaano wada raba.

Beel walba ayaa laga doonayaa in kursiga Xildhibaanimo ee leedahay isku soo sharaxaan shan xubnood, waxaana soo dooran doona 51 ergo, iyadoo maalmahan ay isa soo tarayeen Musharaxiinta Xildhibaanada ee u taagan kursiga Xildhibaanimo ee beesha ay u dhasheen.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.