Home Afsomali Ibraahim Dheere: Siyaasi samir badan oo aan ka quusan hamigiisa Siyaasadeed

Ibraahim Dheere: Siyaasi samir badan oo aan ka quusan hamigiisa Siyaasadeed

Siyaasiga Ibraahim Cumar Mahadalle (Ibraahim Dheere) ayaa dhowaan loo magacabay xilka guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Maaliyadda ee Maamulka gobolka Banaadir ka dib wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Taariikhda nololeedka iyo aqoonta Ibraahim horey ayaa looga hadlay balse qoraalkan waxaan ku qaadaa dhigeynaa dedaalka, sabarka uu siyaasigan u soo galay inuu heerkan soo gaaro.

Waxaa uu ka mid ahaa siyaasiyiin qurbajoog ah oo wax ka asaasay isbaheysigii dib u xoreynta Somalia oo lagu dhisay Magaalada Asmara ee dalka Eritrea sanadkii 2009kii kaasoo ay hor boodayeen xubnihii ka tirsanaa Maxkamadaha islaamiga, siyaasiyiin ka goostay dowladii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo xubno qurbajoog ah.

Markii isbaheysigaas uu la midoobay dowladii KMG aheyd, Madaxweynaha Somaliyana loo doortay Shariif Shiikh Axmed, siyaasiga Ibraahim Mahadalle wax tixgelin ah kama helin dowladaas.

Markii uu dhamaaday xiligii dowladii Shariif Shiikh Axmed bilo ka hor intaan la dooran Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud sanadkii 2012kii Ibraahim Dheere waxaa uu dedaal u galay inuu ka mid noqdo Xildhibaanadii Baarlamankii 9aad, Odayaasha beeshiisa ee xildhibaanada soo xulayey ayaana ka ka hor istaagay inuu kursiga beesha buuxiyo sababo la xiriira dhaqaale xumo heysatay Ibraahim Dheere.

Afar sano ka dib sanadkii 2016 Ibraahim Dheere kama quusan hankiisa siyaasadeed inuu ka guul gaaro, wuxuuna isku soo taagay doorashooyinkii xildhibaanada baarlamanka ee ka dhacay magaalooyinka dalka.

Ibraahim oo degaan doorashadiisu aheyd Galmudug ayaa mar kale ku guul dareystay inuu beeshiisa ku metelo baarlamanka 10aad ee hadda jira ka dib markii sida uu sheegay ay cadaalad daro ku sameeyeen gudigii doorashada oo xareeyey ergooyinkii uu watay Xildhibaan Xasan Macalin oo kursiga doorashada kula loolamayey, kaasoo ay gadaal ka taageereysay dowladii Madaxweyne Xasan Shiikh.

Ibraahim Dheere ayaa ka dib markii la doortay Madaxweyne Farmaajo iska joogay dalka gudihiisa, isagoo ka mid noqday howlwadeenada xafiiska Raisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre wuxuuna ku wehliyey safaro dhowr ah oo Khayre uu ku tegay dibeda.

Taariikhdu markii ay aheyd 24kii bishan May ayaa Ibraahim Dheere oo asxaabtiisa iskala jooga mid ka mid ah hotelada Muqdisho xili habeenimo ah waxaa lagu soo wargeliyey si lama filaan ah in loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Maamulka Maaliyada ee gobolka Banaadir ka dib wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha.

Wareegtada ayaa soo afjartay hami siyaasadeed oo muddo 10 sano ka badan ku jiray Ibraahim dheere si uu ugu shaqeeyo dalkiisa iyo dadkiisa, wuxuuna ku gaaray sabarka iyo dulqaadka uu mudadaas dheer ku soo jiray iyo sida uusan marnaba uga quusan inuu ka gun gaaro riyadiisa taasoo ugu dambeyn dhaxalsiisay inuu ka mid nodo xubnaha ugu muhiimsan maamulka gobolka Banaadir, waxaana looga fadhiyaa Ibraahim dheere inuu wax badan ka bedelo hanaanka maamulka Maaliyada gobolka.

Visit website

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.