Home Afsomali Iiraan Oo Ka Carootay Sawirro Kartoon Lagu Aflagaadeeyey Hoggaamiyahooda

Iiraan Oo Ka Carootay Sawirro Kartoon Lagu Aflagaadeeyey Hoggaamiyahooda

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Islaamka Iran, Naasir Kancaani ayaa waxa uu sheegay inay u yeereen Danjiraha dalka Faransiiska u jooga Tehran, Ambassador  Nicolas Roche.

Kadib, markii Magazine ama Wargeyska Charlie Hebdo ee ka soo baxa magaalada Paris uu daabacay Sawiro Gacmeed (Cartoons) oo lagu aflagaadeeyey Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Ayatullahi Ali Khamanei iyo waxa loogu yeeray Dhaqamada Diinta ee dalkaasi.

U yeerista Danjiraha Faransiiska ayaa waxaa loogu gudbiyey Ashtako xooggan oo  ka dhan ah Sawiradaasi iyo inaan loo dulqaadan karin ficiladaasi oo kale.

Afhayeen Naasir Kancaani ayaa waxa uu tilmaamay inaysan marnaba oggolaan doonin Aflagaado kasta oo loo geystay Islaamka iyo Qarankooda iyo Qayimka Diinta.

Dhawaan, Maamulka Majalada Charlie Hebdo ayaa waxay sheegeen inay soo daabaci doonaan Sawiro ka dhan ah Hoggaamiyaha Sare ee Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.