Home Afsomali Ilaalada Madaxtooyada oo saa iib dhow ka dhigtay Sarkaal iyo taliyihiisa oo...

Ilaalada Madaxtooyada oo saa iib dhow ka dhigtay Sarkaal iyo taliyihiisa oo Alshabaab taalada xaawo taako gawaarida ku dhaqi jiray

Saraakiil ka tirsan ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in sanado badan kadib ogaadeen in uu saaxiib la ahaa, oo uu la noolaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Maxamed Buulle, sidoo kalane loo yaqaano Maxamed Faarax, ayaa laba maalin kadib qaraxii maqaayadda Blue SKY waxaa laga qabtay isla maqaayadda.

Qaraxii maqaayada Blue SKY, ayaa dhacay 9-kii bishan waxaana ku dhintay saraakiil ka tirsan Villa Somalia, kuwa sirdoon, iyo dad kale oo shacab ah. Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa qeyb ka ahaa dhallinyaro badan oo halkaas gawaarida ku dhaqa, sidoo kalane saaxiib la ahaa ciidanka meesha.

“Waan adeegsan jirnay waxbuu nala cuni jiray saaxiib ayuu noo ahaa, waxaan u dhiiban jirnay gaadiidka waliba saraakiil iyo shaqaale kale ayaa u wici jiray waxa uuna ugu tagi jiray guryahooda si uu ugu soo dhaqo laakiin waxa uu ahaa nin shaqo kale wato,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo aan la hadalnay.

Maxamed Faarax, oo magaciisa afgarashadu yahay Maxamed Buulle, ayaa baaritaan kii lagu sameeyay waxa uu ku sheegtay in muddo laba sano ah ka tirsanaa Al-Shabaab, waxa uuna qaabilsanaa gudbinta Taargooyinka shaqaalaha dowladda iyo saraakiisha, sidoo kale waxa uu qaabilsanaa gudbinta xogaha goobaha la rabo in la qarxiyo ee aagga Villa Somalia.

Ciidanka ilaalada Villa Somalia ayaa sheegay in ninkaan uu muddo aagga ka maqnaa ka hor qaraxii maqaayada Blue SKY, markii uu yimidna uu dhacay Qaraxaasi. Sidoo kale ciidanka ayaa sheegay in Qaraxa kadib laba maalmood uu maqnaa kadibna uu dib ugu soo laabtay shaqada gawaari dhaqida ee laamiga Xaawo Taako.

Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in sarkaal oo qirtay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab lagu wareejiyay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale la soo qabtay nin taliye u ahaa oo mar isagana halkaas gawaarida ku dhaqi jiray. Arintaan ayaa abuurtay shaki badan oo ka dhax dhashay dad muddo dheer is yaqiinay oo aagaas ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.