Home Afsomali Ilaalada wada madaxtooyada oo lagu soo kordhiyey askari jiifa ( DAAWO...

Ilaalada wada madaxtooyada oo lagu soo kordhiyey askari jiifa ( DAAWO SAWIRADA )

askari-jiifa-wado-4

Amaanka wadada hormarta madaxtooyada o laga dhisay askari jiifa

Gaadiidka mara wadada isku xirta tiyaatarka qaran ilaa taalada sayidka ayaa lagu tixay dhismo loogu magacdaray askari jiifa si gadiidku u dhimaan xowliga ay ku socdaa taasi oo la shegay in lagu dhimayo amaandarada ka jirta afaafka hore ee madaxtooyada ee dhismaha villa somaliya .

Wadadaan ayaa Noqoneysa wadada ugu dhibka badan maristeeda marka loo aago 36 da wado ee u xiran hay.ado saraakiil ciidan iyo arimo kale ka gadaal markii laga dhisay laamiga korkiisa shub looga talagalay in gaadiidka si degan u maraan.

 

Shubka la dhigay wadada laamiga ah dhaxdeeda ayey awoodi wayeen gaadiid badan kuwaas oo cabsho xoogan ka keenay habka loo dhisay waxaana ay codsadeen in wax laga badalo taasi oo laga yeelay hadana wali waxaa taagan dhibka lagu qabo kor marista askariga jiifa

Dhismahaan iskuugu jira shubka iyo laamiga ayaan ku cusbeyn magaalada Muqdisho yashe yeeshee kuwii hore laguma qabin dhib sidaan oo kale ah

Arintaan ayaa ka danbeysay ka dib markii gaadiidka isku qarxiya madaxtooyada la ogaaday in ay jidgooyada ciidamada u taal ay ku soo dhaafaan xawaare aad u dheereeya kaasi oo u sahla in ay orod ku gaaraan bartilmaameydkooda ka dibna isku qarxiyaan

Enjineerada dhismaha ayaa sheegay in hadii gaadiidku ku maro xawaare badan natiijadiisu noqoneyso in uu gaarigaasi rogmado taasi oo laga wardhowrayo wixii ka soo baxo

askari-jiifa-wado-1 askari-jiifa-wado-2 askari-jiifa-wado-5askari-jiifa-wado-3

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

More VIDEOS https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.