Home Afsomali IMF oo markale sheegtay inay jareyso dhaqaalaha ay siiyaan Somalia hadii dib...

IMF oo markale sheegtay inay jareyso dhaqaalaha ay siiyaan Somalia hadii dib loo dhigo doorashadaHay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa dib u cusbooneysiisay digniinteeda ku aadan in dhaqaalaha la siiyo Soomaaliya la jari karo haddii ay dowladda sii wado dib u dhigista doorashada dalka Soomaaliya ee qalalaasaha badan ay ka jirto. Doorashada ayaa dib u dhac ku yimid in ka badan hal sano, waxaana dowladda 26-kii bishii Febraayo ay mar kale kordhisay waqtiga codeynta ee aqalka hoose ee baarlamaanka. “Xallinta waqtigeeda ee hubanti la’aanta siyaasadeed iyo in si guul leh loo dhammeeyo doorashooyinku waxay muhiim u tahay in laga hortago in si toos ah u dhaco barnaamijka ay taageerto IMF,” Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay ka dib wadatashiyo toos ah oo lala yeeshay mas’uuliyiinta Soomaaliya. Barnaamijka IMF-ta ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in dib u eegis lagu sameeyo bartamaha bisha May, balse waxaa laga yaabaa in maamul cusub uusan imaan Soomaaliya waqtigii loogu talagalay in lagu taageero isbedellada la qorsheeyay. IMF waxaa ay sheegtay in Afartii sano ee uu xilka hayay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo waqtigiisa uu ku ekaa bishii February ee sanadkii hore, balse doorashadii loo qorsheeyay ay dib u dhac ku yimid markii uu isku dayay inuu waqti kororsado. Deeq bixiyayaasha Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay Washington bishii March 2020 ayaa ku dhawaaqday in Soomaaliya laga cafiyo deymaha iyadoo la raacayo hindise-sharciyeedka dalalka deymaha leh, kaas oo ka dhimi doona culeyska deynta dalka oo gaaraya $557 milyan halka uu ka ahaa $5.2 bilyan, marka uu dhammeeyay dib u habeynta. “Si barnaamijka loo sii wado, Madaxda IMF-ta -markii madaxweyne loo doorto Soomaaliya waxay xaqiijinayaan sida ay mas’uuliyiinta uga go’an tahay barnaamijka dhaqaalah & deyn cafinta ayaa lagu yiri” War kasoo baxay IMF. IMF waxay sheegtay in dhaqaalaha la siiyo Soomaaliya la filayo inuu kordho 3.2 boqolkiiba sanadka 2022, waana markii labaad oo sanadkaan gudihiisa ay hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ay digniin kasoo saarto in dib loo dhigo doorashada Soomaaliya.

Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa dib u cusbooneysiisay digniinteeda ku aadan in dhaqaalaha la siiyo Soomaaliya la jari karo haddii ay dowladda sii wado dib u dhigista doorashada dalka Soomaaliya ee qalalaasaha badan ay ka jirto.

Doorashada ayaa dib u dhac ku yimid in ka badan hal sano, waxaana dowladda 26-kii bishii Febraayo ay mar kale kordhisay waqtiga codeynta ee aqalka hoose ee baarlamaanka.

“Xallinta waqtigeeda ee hubanti la’aanta siyaasadeed iyo in si guul leh loo dhammeeyo doorashooyinku waxay muhiim u tahay in laga hortago in si toos ah u dhaco barnaamijka ay taageerto IMF,” Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay ka dib wadatashiyo toos ah oo lala yeeshay mas’uuliyiinta Soomaaliya.

Barnaamijka IMF-ta ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in dib u eegis lagu sameeyo bartamaha bisha May, balse waxaa laga yaabaa in maamul cusub uusan imaan Soomaaliya waqtigii loogu talagalay in lagu taageero isbedellada la qorsheeyay.

IMF waxaa ay sheegtay in Afartii sano ee uu xilka hayay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo waqtigiisa uu ku ekaa bishii February ee sanadkii hore, balse doorashadii loo qorsheeyay ay dib u dhac ku yimid markii uu isku dayay inuu waqti kororsado.

Deeq bixiyayaasha Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay Washington bishii March 2020 ayaa ku dhawaaqday in Soomaaliya laga cafiyo deymaha iyadoo la raacayo hindise-sharciyeedka dalalka deymaha leh, kaas oo ka dhimi doona culeyska deynta dalka oo gaaraya $557 milyan halka uu ka ahaa $5.2 bilyan, marka uu dhammeeyay dib u habeynta.

“Si barnaamijka loo sii wado, Madaxda IMF-ta -markii madaxweyne loo doorto Soomaaliya waxay xaqiijinayaan sida ay mas’uuliyiinta uga go’an tahay barnaamijka dhaqaalah & deyn cafinta ayaa lagu yiri” War kasoo baxay IMF.

IMF waxay sheegtay in dhaqaalaha la siiyo Soomaaliya la filayo inuu kordho 3.2 boqolkiiba sanadka 2022, waana markii labaad oo sanadkaan gudihiisa ay hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ay digniin kasoo saarto in dib loo dhigo doorashada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.