Home Afsomali Imisa ayaa lagu dilay Soomaaliya Aqri warbixinta umadaha midoobay ee dilalka Soomaliya...

Imisa ayaa lagu dilay Soomaaliya Aqri warbixinta umadaha midoobay ee dilalka Soomaliya ka dhcay oo kooban

Tani waa isku daygii koowaad ee UNSOM si ay u qiyaasaan dhibaatooyinka iyo qiimeeynta khatarta iskahorimaadyada rayidka ee soo koobaya muddada u dhaxaysa 1 Jannaayo 2016 iyo 14 Oktoobar 2017. Muddadaa, weerarrada dhulka iyo hawada ayaa waxyeeleeyay waxyeelooyin culus, waxay sababeen waxyeelo gaarsiiyay kaabayaasha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay , iyo luminta xoolaha iyo horjoogsiga helitaanka gargaarka bini'aadannimo ee dadka rayidka ah ee baahida qaba.

Warbixin kooban oo laga soo saaray xafiiska wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee UNSOM ayaa waxaa lago soo bandhigay tirada dadka rayidka ah ee Soomaaliya lagu dilay muddo sanad ah kuwa la dhaawacay inta la qafaashay iyo inta la xiray.

Warbixintaan oo gobol gobol lagu xusay waxaa lagu sheegay in guud ahaan dadka rayidka ee gudaha Soomaaliya lagu dilay ama lagu dhaawacay ay gaarayaan (4,585  Afar kun Shan boqol sideetan iyo shan) ruux waxaana tirokoobkaan lagu sameeyay inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rayidka soo gaaray intii u dhaxaysay  January 2016 illaa October 2017.

Marka qeyb qeyb loo kala qaadana waxaa warbixintaan lagu sheegay in dad tiradoodu gaartayso 2,728 ruux ay lagu dilay weeraro gudaha dalka ay ka geysteen dagaalamayaa Al-Shabab meesha ugu badan ee dadka rayidka ah Al-Shabab ku duleena waa magaalada Muqdisho oo sida Q,M sheegtay lagu dilay 2,265 ruux.

Q,M waxay aaminsantahay in dadka ugu badan ee Soomaaliyeed ay ay ku maqan yihiin gacanta Al-Shabab.

Warkaan waxaa lagu sheegay in dad tiradoodu gaarayso 594 ruux ay gudaha Soomaaliya ku dileen kooxo maleeshiyaad ah warbixintase laguma shaacin cidda ay yihiin iyo meesha ay ka tirsan yihiin toona.

Tirada rayidka ay dileen ciidamada midawga Africa ee AMISOM waxsaa lagu sheegay 181 ruux halka maamul goboleedyadana lagu dilay 522 qof.

Tirada dadka Soomaaliyeed ee dhaawacmay waxaa ay gaarayaan sida warbixintaan lagu xusay 2,507 qof, waxaa la qafaashay 729 ruux halka la xiray 5,821 ruux.

Dadka aan la aqoon cidda dishay waxay gaarayaan 560 ruux.

Marka la eego gobolada dalka tirokoobkaan waxaa lagu xusay in gobolada Somaliland intii baaritaanku socday lagu ogaaday in lagu dilay 208 ruux, Puntland waxaa lagu dilay 413 ruux, Galmudug 261 qof, Hir-Shabelle 269 qof, Koofur galbeed 735 qof, Jubbaland, 434 ruux halka gobolka Banaadirna uu noqday 2,265 qof sida naqshada Q,M soo bandhigtay ka muuqata.

Warbixintaan waxaa sidoo kale lagu sheegay in dadka Muqdisho lagu dilay ay korortay qiyaastii 102% halka koofur galbeedna ay korortay 43%.

Xafiiska Qarammada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) ayaa soo gabagabeeyay xilka Golaha Amaanka 3-da Juun 2013. Qaramada Midoobay waxay sii wadi doontaa taageerada ay siineyso dadaalka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo loo marayo Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOM) Qaraarka Golaha Ammaanka 2101 (2013).

https://unsom.unmissions.org/sites/default/files/protection_of_civilians_report_20171210.pdf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.