Home Afsomali imisa dilal qorsheysan Muqdisho ugu geeriyootay

imisa dilal qorsheysan Muqdisho ugu geeriyootay

Imisa ayaa lagu dilay Magaalada Muqdisho

5/Nov/2018: Safiya C/raxmaan Maxamuud oo aheyd Gabar Dhalinyaro ah ayaa Askari ka tirsan ciidanka dowlada ku diley Xafaadda Buulaxuubey ee Degmada wadajir.

6/Nov/2018: Afar Ruux oo shacab ah ayaa Ciidamadda AMISOM Waxaa ay si bareer ah ugu dishey Isgoyska Ex-Koontarool Balcad ee Muqdisho.

8/Nov/2018: Xildhibaan C/weli Maxamed Ibraahim oo ka tirsanaa Mamaulka Hirshabelle iyo Darwalkiisa ayaa geeriyooden kadib Markii gaari ay wateen loogu xirey waxyaabaha qarxa kaasi oo ka dhacay agagaarka Beerta-Nabadda ee Muqdisho.

9/Nov/2018: Ugu yaraan 30 qof ayaa geeriyootey halka ku dhawaad Boqol qof ay dhaawacmeen kadib Markii Sedax qarax iyo weerar lagu qaadey Hotelka saxafi ee Muqdisho, Weerarka iyo qaraxyadaas waa sheegtay Al-shabaab.

10/Nov/2018: Koox hubeysan oo wateen gaari ayaa dad ka soo laabtey meyd ay ku soo aasen duleedka muqdisho ku horjareen gaarigooda iyaga oo rasaas ku furey. Waxaana geeriyoodey hal ruux halka mid kalena uu dhaawacmey.

10/Nov/2018: Koox hubeysan ayaa deegaanka weydoow ee duleedka muqdisho ku dileen Nin ka tirsanaa Ergadii doorashada K/Galbeed, kooxda dilka geysatey ayaa goobta isaga baxsadeen.

12/Nov/2018:Koox hubeysan ayaa degmada waaberi ku dishey wiil dhaliyaro ahaa kaasi oo magaciis alagu soo koobey Deeqow, waxaana uu ka tirsanaa shaqaalaha mamaulka degmada waaberi.

13/Nov/2018: Koox Hubeysan Ayaa Isgoyska Baar-Ubax ku dishey Daahir Nuur Karaane oo ka tirsan Shaqaalaha Hormuud Teleocm, Halka mid kalena la dhaawacay.

15/Nov/2018: Koox Hubeysan ayaa Xaafadda Seybiyaano ee degmada hodan ku dishey Nin lagu magacaabi jirey Garaad Yaasiin, Kooxda dilka geysatey ayaa goobta isaga baxsadeen.

15/Nov/2018: Koox Hubeysan ayaa xilli maqrib ah waxaa ay nin odey ahaa oo lagu magacaabi jirey maxamed xasan raage ku dishey xaafadas kadib markii uu ka soo baxay masjid uu salaadda ku soo tukadey, Kooxdii dilka geysatey ayaa isaga baxsadeen goobta.

15/Nov/2018: Koox Hubeysan ayaa xaafadda Laba-dhagax ee degmada warta-nabada ku dishey wiil dhalinyaro ahaa, waxaana goobta isaga baxsadeen kooxdii dilka geysatey.

18/Nov/2018: Hal Asraki ayaa geeriyoodey kamdi Markii Ciidamo ka tirsan amisom qarax lagula eegtay Xafaadda Suuqa Xoolaha, halkaasi oo ay marayeen.

18/Nov/2018: Laba Qof oo mid kamid ah yahay darawal ka xeeyanaya Gaari ay saarnaye ciidamo ka tisane dowlada ayaa geeriyoodey kadib markii qarax dhulka lagu aasey uu ka dhacay deegaanka Km13 ee Duleedka Muqdisho.

18/Nov/2018: Koox hubeysan ayaa xilli maqrib ah waxaa ay isgoyska bakaaraha ku dishey askari ka tirsanaa ciidanka dowladda gaar ahaan Guutada 14-Oktoobar.

19/Nov/2018: Koox hubeysan ayaa xilli maqrib ah waxaa ay isgoyska fagax ku dishey askari ka tirsanaa ciidanka dolwada kaasi oo lagu magacaabi jirey Axmed Nuux, kooxda dilka geysatey ayaa goobta isaga baxsadeen.
20/Nov/2018: Askari ka tirsanaa ciidanka dowladda oo lagu magacaabayay Xasan Kaafi ayaa ku geeriyoodey kadib qarax loogu rixey gaari uu watay, Qaraxa ayaa ka dkacay Xaafadda Soona-keey ee degmada hodan.

21/Nov/2018: Koox hubeysan ayaa Isgoyska bakaaraha ee muqdisho waxaa ay ku dileen laba nin oo la sheegay in ay ka tirsanaayen shaqaalaha shirka Hormuud, Kooxda dilka geysatey ayaa goobta isaga baxsadeen.

24/Nov/2018: Koox Hubeysa ayaa Xilli Fiid ah waxaa ay askari ka tirsan ciidanka dowladda ku dishey isgoyska Black Sea ee Degmada Hodan.

25/Nov/2018: Koox Hubeysa ayaa salaadii Maqrib kadib Degmada shibis waxaa ay ku dishey Deeqow oo ka tirsanaa Askarta dowladda soomaaliya.

26/Nov/2018: Sideed qof ayaa geeriyootey kadib markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay suuq ku yaal xaafadda kaawo-godeey ee degmada wadajir.

27/Nov/2018: Koox Hubeysan ayaa agagaarka carwadii hore ee qaranka oo ku taal taleex waxaa ay ku dishey askari lagu magacaabi jirey cabdi maalik, kooxda dilka geysatey ayaa goobta isaga baxsadeen.

27/Nov/2018: Haweyney Xaamilo aheyd ayaa xilli habeen ah waxaa toorey ku diley ninkeeda kadib markii muran uu soo kala dhaxgalay, dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Jaamacada ee degmada Hodan.

30/Nov/2018: Koox hubeysan ayaa laba wiil oo dhalinyaro ah ku dishey xaafadda daaru-salaam ee Dayniile , kooxda dilka geysatey ayaa goobta isaga baxsadeen.

Amniga Mogdisho Sidaan ayuu ku Sugan yahay ee xaalada qiimee goormaan ka bixi doonaa waa la dilay iyo dowlada ayaa baareysa cidii dishay lama garanayo waana baxsadeen.

Uunreys beer falamaa kaagana aalimaa abuurka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.