Home Afsomali Imran Khan oo ku baaqay mudaharaado ka dhaca guud ahaan Pakistan

Imran Khan oo ku baaqay mudaharaado ka dhaca guud ahaan Pakistan

Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan ayaa Axaddii ku baaqay banaan baxyo ka dhaca guud ahaan dalkaas, kuwaas oo uu ugu magac-daray “debed-baxyada xoriyadda”, ka dib markii toddobaadkii hore xabsiga la dhigay wakhti kooban, taasoo dalkaas u horseedday rabshado baahsan oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Imran Khan oo lagu soo oogay dacwado kala duwan, tan iyo markii xilka laga qaaday, ayaa Jimcihii lagu sii daayey dammaanad, ka dib markii ay maxkamadda sare ee Pakistan ay soo farogelisay xadhiga lagula kacay, isla markaana ay sharci-darro ku tilmaantay habka loo maray xadhigiisa.

Taageerayaashiisa oo ka cadhooday tallaabada lagu xidhay hoggaamiyahooda ayaa dab qabadsiiyey dhismayaal dawladeed, iyaga oo xidhay waddooyin waaweyn, isla markaana dhaawac u geystay hanti kala duwan oo ay leeyihiin ciidamada milateriga oo loo tirinayo inay ka dambeeyen xadhiga Imran Khan.

Ra’iisal wasaaraha hore ee Pakistan oo fariin muuqaal ah soo dhigay barta Youtube ayaa ku sheegay inaanay xorriyadu isaga iman si sahal ah, balse ay u baahan tahay in nafta loo huro”.

Imran Khan ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa, inay debed-baxyo ku qabtaan waddooyinka iyo xaafadaha ay ku nool yihiin, ee dalka oo dhan, maalinimada Axadda, isaga oo intaas raaciyey inuu maalinta Arbacada ah, dib ugu soo laaban doono, ololaha uu ugu jiro in dalkaas laga qabto doorasho degdeg ah.

Muddo bilo ah, xisbiga PTI ee uu hoggaamiyo Imran Khan ayaa waday olole ballaadhan oo ka dhan ah ciidamada milateriga.

Ciidamada milateriga ee awoodda badan ayaa si toos ah dalkaas u soo maamulayey kala badh, intii dalkaasi xorta ahaa, illaa haatanna waa hay’ad awood badan oo saamayn xooggan ku leh, nidaamka dawliga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.