Home Afsomali In ka badan 10 Ruux oo Shil Gaari ku geeriyootay Kenya

In ka badan 10 Ruux oo Shil Gaari ku geeriyootay Kenya

Inta la xaqiijiyay 12 Ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib Shil Gaari oo Maanta ka djacay isgoyska Kanyonyoo ee ismaamulka Kitui dalka Kenya.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu fariin goostay kadibna uu rogmaday Gaari noociisu yahay PSV, sida ay Warbaahinta u sheegeen dad goobioogayaal ahaa.

Qaar kamid ah rakaabkii ka badbaaday Shilka ayaa sheegay in Darawalka Gaariga oo isna badbaaday uu ahaa mid Sarkhaansan oo cabay waxyaabaha maanka dooriya, taasina ay keentay in Gaariga uu xakameyn waayo.

Qaar kamid ah dadka ku dhaawacmay Shilka oo kayimid Xaflad Aroos ayaa la geeyay Isbitaalka ismaamulka Kitui dalka Kenya si halkaasi loogu daaweeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.