Home Afsomali In ka badan dhaawacyada 40 qof oo la gaarsiiyay isbitaal Madiino

In ka badan dhaawacyada 40 qof oo la gaarsiiyay isbitaal Madiino

Koox hubaysan ayaa weerar ku qaaday  hoteelka Xayaat ee ku yaalla KM4, halkaas oo lagu soo warramayo inay wali ku jiraan.

Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo oo ismiidaamin ahaa.

Ku dhawaad 15 qof ayaa ku dhimatay sida ilaha Caafimaadka iyo Saraakiisha ciidanka.

In ka badan 40 qof oo dhaawacyo kala duwan qaba ayaa la gaarsiiyay isbitaal Madiino sida uu sheegay Agaasimaha Isbitaalka.

Isbitaallada kale ee sida gaarka ah loo leeyahay ayaa la gaarsiiyay tiro Intaasi ka badan.

Dhimashada iyo dhaawaca ayaa sii kordhaya saacad saacada ka dambeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.