Home Afsomali Inanaga iyo adduunka! Soomaaliya iyo singapore!

Inanaga iyo adduunka! Soomaaliya iyo singapore!

 

Adduunka asxaabey dadna hadal buu hayaa, dadna shaqo. Dad aqoon buu ku jeedaa dadna qabyaalad buu ku jeedaa! Dad waa fekeraa dadna waa faataadhugkeeyaa!

Dad wax buu qoraa oo akhriyaa, dadna fadhi ku dirir buu fadhiyaa!

 

Dad dhulkiisa ayuu dhisaa, Dadna dhulkiisuu dumiyaa!

Qaar dalkoodey dhacaan markey jirradaanna meel lagu daaweeyo ayaa la waayaa oo dibad loola ordaa, qaarna dalkoodey meeshii  lagu daawayn lahaa ka dhistaan.

 

***********

Soomaaliya iyo Singapore:

 

1) Soomaaliya waxey xornima qaadatay Sannadkii 1960-kii Singapore waxey Malaysia ka go’day oo gaar isu taagtey Sannadkii  1965-kii

 

2) Singapore dhulkeeda oo dhan baaxaddiisu waa 710 sq.km  soomaaliyana waa 637,000 sq.km. Gobolka Banaadir keliya ayaa dalka singapore ka baaxad weyn waa 1027 sq.km.

 

3) Singapore waa 5 milyan soomaaliya waa 15 milyan.

 

4) xeebta singapore dhererkeeda waa 180 km. Soomaaliya waa 3330 km.

 

5) Singapore cirif woqooyi ilaa cirif koonfur waa: 40 km. Soomaaliya caluula ilaa kismaayo waa 2300 km.

 

6) Singapore halkii sq.km waxaa ku nool: 5500 qof. waana ku heshiiyaan kana wada shaqaystaan. Soomaaliya halkii sq.km. Waxaa ku nool: 7 qof keliya, mana ku heshiin karaan waa is dilaan!

 

7) Singapore sannadkii wax soo saarkeedu waa : $370 bilyan soomaaliya: qiyaas waa $ 5 bilyan.

 

8) Dakhliga qofkii singapore waa $55,000 soomaaliya waa $150.

 

9) Singapore waxaa dega: chinese, malay, hindi, (buudi, hinduus, muslim) soomaaliya waa hal qoys, hal af, hal diin.

 

10) Singapore waxey leedahay: jaamacad ka mid ah kuwa aduunka ugu fiican, dekedda adduunka ugu shaqa badan, airporka adduunka ugu fiican, diyaaradda adduunka ugu fiican, nidaamka adduunka ugu musuq maasuq yar 9/10, laysanka shirkad waxaad ku furan kartaa: 25 daqiiqo!

 

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

 

Qalinkii: Sheekh Mohamed Idris

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.