Home Afsomali Injineer u dhashay dalka Shiinaha oo u gefay Diinta Islaamka oo xabsi...

Injineer u dhashay dalka Shiinaha oo u gefay Diinta Islaamka oo xabsi la dhigay

Dalka Pakistan waxaa lagu xiray nin injineer ah oo u dhashay dalka Shiinaha, kaa oo lagu eedeeyay in uu u gefeay diinta suuban ee Islaamka, waxaana gefka uu ninkan geestay ka dhashay carro xoogan iyo dibad baxyo.

War kasoo baxay maamulka waqooyi-galbeed ee dalka Pakistan ayaa lagu shaaciyay in xabsiga la dhigay baarisna lagu wado injineerka u dhashay dalka Shiinaha oo magaciisa lagu sheegay Mr. Tian.

Ninkan booliiska Pakistan xireen ayaa ahaa madaxa gaadiidka culus ee shirkadda China Gezhouba Group ee dhisaysa mashruuca tamarta ee Dasu, waxa uuna ninkan si jees jees ah ugu gefay diinta Islaamka .

Injineerkan u dhashay Shiinaha ayaa la sheegay in uu isku  dayay inuu riixo shaqaalihiisa u dhashay dalka Pakistan, iyagoo si wadajir ah salaadda casar ugu tukanayay goobta shaqada, waxa uuna ninkan ka xumaa in shaqaalaha ay salaad ku mashquuleen.

“Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku hadlay hadallo deelqaaf ah oo uu ku bahdilayo Allaah iyo Nabi Muxamed NNKH,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah cabashada booliska ee rasmiga oo warbaahinta aragtay.

Xad-gudubka uu diinta Islaamka u geestay injineerka Shiineeska ayaa ka carreesiiyay shaqaalaha Musilimiinta, waxaana bilowday dibad baxyo carro wata ay dhigayaan dad badan oo Muslimiin ah kuwaa oo xirtay waddooyin muhiim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.