Home Afsomali Dhageyso Intaa warafkeyga heysto wadaantana fuuqsanaayo maxaa iga galay wareerka Wakiin anigaa...

Dhageyso Intaa warafkeyga heysto wadaantana fuuqsanaayo maxaa iga galay wareerka Wakiin anigaa ku fiican dadkuna wey wada rabaane wadaad faaley caleykaa

Hidiiyo hidiiyo  Hidiiyo hidiiyo

Hidiiyo hidiiyo  Hidiiyo hidiiyo

Intaa warafkeyga heysto

wadaantana fuuqsanaayo

maxaa iga galay wareerka

Wufuuda intaa la showro

wakiilada soo dhaweeyo

waxaan qabo maan u sheegto

Inaan dadku talo wadaagin

dhulkana wada goob u sheybshoo

aduunkaa ii wakiishay

Hidiiyo hidiiyo  Hidiiyo hidiiyo

 

Danteyda hadii aan waayo

waxaan rabo aan la yeelin

walwaal iyo nabad ma dhaaftoo

Walaalnimo doonimaayo

waxqeybsine yeelimaayo

wadeecana ka cabsan maayo

Wakiin anigaa ku fiican

dadkuna wey wada rabaane

wadaad faaley caleykaa

Hidiiyo hidiiyo

Waxaan eedgalay ma sheegoo

waxaan eedeyna ma sheegoo

waxaan sheegana ma waayo

Hadii dadka dhami la wiiqoo

waxyeelada lala tahriiboo

intaan waqtigey gareystoo

wixii dhacay yeelakadoodaa

Walaaca intaa abuuroo

walaacowgana ku baaqaan

aduunka wareerinaayaa

Hidiiyo hidiiyo  Hidiiyo hidiiyo

 

Danteydaan u ordayaayoo

xil iyo darajaan rabaaye

maxaa danyar iga quseeyaa

Danguud iyo dal uma jeedoo

dadweynaha uma naxaayee

xilaan u dagaalamaayaa

Dulmiga  lagu barataamaayo

danuubaha laga naxaayo

danbiga lagu dhiiranaayo

Hidiiyo hidiiyo  Hidiiyo hidiiyo

 

Allow danbidhaaf nasii

allow dadka oo dhan midey

allow nadad noogu deeq

allow daganaayo iyo duqow caadile na sii

Hidiiyo hidiiyo  Hidiiyo hidiiyo

 

Wax wanaag ka bilowdoo

walbahaar ku dhamaado

weynahey kama tuugin

hadana weedha iyo sowdkiyo

wacyiga waad garateene

wadayaasha dagaalkiyo

qof kasta oo xil u waasha

walbaharkiyo yaabkiyo wareerkaan

ka masuula aan ku kobo warkeyga

wadeeceeyinka muuda

waqtigu sow qori maayo

waxaa doonto sameyna

weyne sow arki maayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.