Home Afsomali Intii soo saartay sanotarada Koofur galbeyd oo weliba loo mahadceliyey

Intii soo saartay sanotarada Koofur galbeyd oo weliba loo mahadceliyey

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xaflad isugu jirtay Mahadcelin Gollaha Baarlamaanka DGKGS iyo soo dhoweynta Xildhibaanada Cusub Aqalka Sare  ugu Sameeyey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Munaasabadan waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray kuwa heer federaal iyo kuwa heer dowlad Goboleed Koonfur Galbeed, waxaana loogu mahad celiyay Xildhibaanada doortay Senatarada Aqalka Sare ku matalaya Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo munaasabada ka hadlay ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada Koonfur Galbeed sida quruxda badan ay usoo doorteen Senatarada ku matali doona Baarlamaanka Federaalka.

Waxa uu sidoo kale Madaxweyne Laftageen kula dar daaremay Senatarada cusub ee lagu doortay magaalada Baydhabo in ay kasoo baxaan waajibaadka loo igmaday ayna noqdaan kuwa ka shaqeeya danaha Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.