Home Afsomali Iran iyo Imaaraadka oo dib u soo celinaya xiriirkoodii

Iran iyo Imaaraadka oo dib u soo celinaya xiriirkoodii

Dawladaha Imaaraadka Carabta iyo Iran ayaa haatan qorshaynaya inay dib u soo celiyaan xiriirkoodii diblomaasiyadeed muddo haatan ku siman lix sannadood oo uu xumaa xiriirka u dhexeeyay labadan dal.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa haatan qorshaynayaa inuu dib ugu celiyo dalka Iran safiirkiisa u fadhiyey magaalada Tehran, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha debedda ee Imaaraadka Carabta, arrintan oo u muuqata inay tahay tallaabo uu Imaaraadka Carabtu ku dardargelinayo dedaallada la doonayo in lagu wanaajiyo xriirka ay la leeyihiin dalka Iran.

Wakaaladda wararka ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa baahisay in Danjiraha Imaaraadka u qaabilsan dalka Iran, Saif Mohammed Al Zaabi, uu dib ugu laaban doono magaalada Tehran maalmaha soo socda si uu “u sii wado xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labadan dal ee deriska ah” horay loo sii wado si loo gaaro danaha guud ee labada dal ee deriska ah iyo gobolka,”.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo dublamaasiyiinta Mareykanka iyo Iran ay hadda doonayaan inay soo gebagebeeyaan wadahadalo u socday muddo 16 bilood oo ku saabsan sidii loo soo nooleyn lahaa heshiiskii hubka nukliyeerka dalka Iran ee ay sannadkii 2015 wada gaareen, dalka Iran iyo quwadaha caalamiga ahi, taas oo markii dambe uu ka baxay dalka Maraykanku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.