Home Afsomali is baheysiga sacuudigu horkacaayo oo Duqeymo culus ka geestay magaalada Sanca (DAAWO...

is baheysiga sacuudigu horkacaayo oo Duqeymo culus ka geestay magaalada Sanca (DAAWO SAWIRADA )

Xulafada Sucuudigu hogaaminayo ee dagaalka kula jira falaagada ay Iran taageerto ee Xuutiyiinta Yemen ayaa dardargeliyay duqeymaha cirka ah ee ay ku hayaan caasimadda Sanca iyo meelo kale oo ka mid ah dalka ay colaaduhu ka jiraan ee Yaman.

Ciidamada dawladda ayaa kusii siqaya xeebaha galbeed iyo gobolka muhiimka ah ee Marib, sida ay saraakiishu sheegeen Axaddii.

Isbaheysiga ayaa sheegay in ay duqeeyeen xarumo ciidan oo ku yaala Sanca oo ay gacanta ku hayaan fallaagada, waxaana ay bilaabeen duqeymo ka dhan ah jiidda hore ee Xuuthiyiinta ee ku yaal gobollada istiraatiijiga ah ee Marib iyo Hodeida.

Qof ka mid ah dadka ku nool magaalada Sanca ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in la duqeeyay goob rayid ah.

Ciidamada dowladda ayaa dhanka kale la wareegay degmo weyn oo ka tirsan gobolka Xudeyda iyo deegaano kale oo dhaca xeebaha galbeed ee dalka Yemen, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada labada dhinac.

Saraakiishan ayaa ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo, iyadoo aan loo ogolayn inay warbaahinta la hadlaan.

Xuutiyiinta ayaan si degdeg ah uga hadlin horumarka dowladda ay ka waddo Xudeyda, Balse warbaahinta ay maamulaan ayaa sheegay in tobanaan duqaymo oo dhanka cirka ah oo isbahaysigu ku qaadeen fallaagada gobollada Hodeida, Marib, Sanca, Tazi iyo Sacda.

Kordhinta dagaalka toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa ku soo beegmaya iyadoo Xuutiyiinta ay si isdaba joog ah gadaal uga riixayaan dadaallada diblomaasiyadeed ee ay wadaan Q.Midoobe iyo Mareykanka si loo soo afjaro weerarka Marib ee Xuutiyiinta iyo weerarrada gantaallada iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee ay ku hayaan Sacuudiga.

Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa doonaya in Xuutiyiinta ay galaan wada xaajoodyo lagu xalinayo colaadda Yemen ee sanadaha badan ka socotay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.