Home Afsomali Isbadal ku yimid Biyaha Wabiga Shabelle ee mara Baladweyne iyo Sun looga...

Isbadal ku yimid Biyaha Wabiga Shabelle ee mara Baladweyne iyo Sun looga shakiyay

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in isbadal ku yimid biyaha wabiga Shabelle ee dhax mara magaalada Baladweyne, waxaana jira walaac xoogan oo laga muujiyay isbadalka ku yimid biyahaasi.

Dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in uu isbadalay midabka biyaha iyo urtooda, waxa ayna dadka sheegeen in midabka biyaha uu noqday mid madow sidoo kale laga dareemayo qurmuun.

Maamulka degmada Baladweyne ayaana ka digay isticmaalka biyaha wabiga ee looga shakisan yahay in ay sumeesan yihiin, waxaana shacabka magaalada looga digay isticmaalka biyaha wabiga.

Guddoomiyaha degmada Baledweyne Cismaan Dhicisoow Dhuuboow ayaa digniin u diray maamulayaasha Ceelasha biyaha siiya magaalada  iyo shacabka isticmaala biyaha wabiga, wuxuuna faray maamulayaasha Ceelasha biyaha iney tubooyinka kala baxaan wabiga oo haatan wata biyaha sumeysan shacabkana aysan cabin biyaha.

“Waligey manan arkin wabiga oo biyo wada biyo noocaan oo kale ah, wan arki jiray isagoo wada biyo calaw ah, isagoo eber ah iyo isagoo buuxa oo biyo baxa ah, balse wali manan arkin biyo noocaan oo kale ah oo madow ah hadana uraya, urtooda ayaan hada ag taagnaan la’ahay, waana biyo sumeysan dowladda Itobiya ayaa horay ugu sheegtay dadkeeda marka inta ay ka gudbayaan yaanan la isticmaalin waa digniin, waana ognahay in dadka Baledweyne boqolkiiba 89 isticmalaan biyaha wabiga” ayuu yiri guddoomiye Cismaan Dhicisoow Dhuuboow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.