Home Afsomali Isbitaalkii ugu weynaa Baladweyn oo Xirmay iyo Dhaawacyo Dayacan

Isbitaalkii ugu weynaa Baladweyn oo Xirmay iyo Dhaawacyo Dayacan

Tan markii ay qaraxyada ka dhaceen Baladweyn taasi oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof, kuna dhaawacmeen boqol kale ayaa waxaa xiran isbitaalka guud ee magaalada, oona ah isbitaalka ugu weyn gobolka Hiiraan.
 
Iskuduwaha caafimaadka ee gobolka Hiiraan Axmed Khaliif oo la hadlay Idaacada Goobjoog ayaa sheegay iney burbureen in ka badan 12 qeyb oo isbitaalka ah, taasi oo sababtay inuu xirmo isbitaalka keliya ee guud ee gobolka.
 
Qeybaha burburay ee dartood uu isbitaalkii dhan shaqeyn waayey, loona xiray waxaa ka mid aha: Qeybta Emergency, Qeybta sheybaarta, xafiisyada isbitaalka, Qeybta farmashiga iyo daawadii, Qeybta bukaan socodka, Qeybta bukaan jiifka, Qeybta qaliinka, Qeybta Dhalmada, Qeybta la seexin jiray dadka nafaqo la’aanta ah, Qeybta Karantiil-ka shubanka iyo jadeecada, Qolka meydka oo burburay iyo meelo kale.
 
Sida uu Axmed sheegayo waxyeellada ugu daban waa burbur guud oo xagga dhismayaasha, sariirihii, qalabka iyo mashiinadii wax baarsita, daawadii, farajeero iyo arrimo kale, oo soo kabashadooda oo waqti iyo hanti u baahan.
 
Qeybta gargaarka degdegga waxaa ay waxyeelo kasoo gaartay saddex shaqaalaha isbitaalka ah, qeybta nafaqada gabar ayaa dhaawac ku noqotay halka qeybta karantiilkana qof kale ku dul burburtay.
 
Isbitaalkan ay shaqadiisu istaagtay waxaa la aasaasay 1933-dii, waana isbitaalka ugu weyn Hiiraan, maalintii waxaa uu qaabili jiray ilaa 200 oo bukaan, waxaana la dhigi jiray ugu yaraan 3 cunug oo shuban ama nafaqo la’aan darteed ah halka ay ugu umuli jireen maalintii ugu yaraan 5 haween ah.
 
Dhinaca kale waxaa xusid mudan in aaney jirin cid ka tirsan maamulka Hiiraan, midka Hirshabelle ama xataa dowladda federaalka ah oo wax u qabtay dadkii ku dhaawacmay Baladweyn iyada shacabka ay iska qaateen dadkooda, halka daryeel loo la’yahay labo qof oo magacyadoodu la sheegay Cabdi Cusmaan Xaaji oo 20 jir ah Xuseen Xuubey Cusmaan oo 32 jir ah midka hore jab weyn ayaa jira ahalka Xuubey ay jirto gubasho iyo dhiigbax gudaha ah, xataa wasaaradda caafimaadka ee federaalka ah oo lala waadaagay wax waa u qaban la’dahay.
 
Waxaa kale oo aan weli guddi iyo wax baaris ah loo saarin qaraxa lagu sheegay midkii ugu khasaaraha badan ee sanado ka dhaco Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.