War qoraal ah oo ka soo baxay Isimada Dhaqanka SSC-Khaatumo, ayaa lagaga digay dhibaatada ka dhalan karta, hadii anay Somaliland ciidankeeda aysan ka saarin gobolka Sool.
Qoraalka kasoo baxay isimada dhaqanka ayaa lagu sheegay in hadal ka soo yeeray Taliyaha Ciidamada Militariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ee ahaa in Soomaaliland ay dib u soo ceshan doonto degaanada Gacanteda la maqan ee gobolka Sool .
“Hadii dilida boqollaal, dhaawicida kumanaan, barakicinta 280,000, iyo in uu si baaxad leh u burburiyo Laascaanood ay maskaxdiisa ka tahay naxariis, qofku wuxuu kasii gariiri kara waxa weeraradiisa soo socdaa ay gaysan karaan, hadii uu sida ku socdo, isaga oo dhagaha ka furaystay baaqii Golaha Amaanka” ayaa lagu yiri qoraalka ka so baaxay Isimada Dhaqanka SSC Khatuumo .
Waxa uu qoraalku intaa ku daray in ciidamada SSC ay hore uga baaqsanayeen dagaalka, oo ay is dajinayeen xataa iyaga oo ciidanka Somaliland magaalada duqaynaya, lakiin hada kadib ay is difaaci doonaan ilaa oo ay is xoreeyaan, ayaa sidoo kale lagu yiri’ qoraalka .
Hadalkan Digniinta ah ee ka soo baxay Ismimada Dhaqanka SSC Khaatumo ayaa ku soo aadaya Xilli Taliyaha Ciidamada Militariga Soomaaliland uu ku hanjabay in ay qaadayan dagaal ay kula wareegayaan gacan ku heynta Magaalada Laascaacood ee xaruunta gobolka Sool.
Ugu dambeeyn, qoraalka ayaa lagaga digay in dagaalka gobolka Sool uu ku fidi karo dhamaan gobolka oo dhan, hadii anay beesha Caalamka, Qaramada Midoobay iyo dowlada Soomaaliya ku qancin Somaliland in ay ciidankeeda la baxdo.