Ciidamo ka tirsanaa kuwa Dowladda Uganda ee kamidka ah howlgalka AMISOM ayaa sabtidii isku laayay xarunta Xalane ee Magaaladda Muqdisho.
Wargeyska Daily Monitor ee Uganda kasoo baxa ayaa daabacay in falka uu ka bilowday khilaaf soo kala dhexgalay Askari Ugandhees ah iyo kormeerihiisa,waxayna taasi ay keentay in askariga uu toogto kormeerihii iyo labo askari kale.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in askariga uu naftiisa sidoo kale gooyay markuu falka geystay kadib.
Afhayeenka Ciidanka Difaaca Kenya Brig Richard Karemire, ayaa xaqiijiyay dhacdadan,waxaana uu intaas raaciyay in Saraakiisha Uganda ay baaritaan ku hayaan kiiskan.
Ma sheegin waxa sababay falkan Afhayeenka, iyo Magacyadda askariga isku laysay Xerada Xalane,waxaana uu ku gaabsaday hadalkiisa in ay baaris ku sameynayaan.