Home Afsomali Iska horimaad dhaxmaray booliiska Soomaaliand iyo ciidamada Liyuu booliiska Itoobiya

Iska horimaad dhaxmaray booliiska Soomaaliand iyo ciidamada Liyuu booliiska Itoobiya

hal askari oo ka tirsan ciidanka Liyuu booliska Dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad dhexmaray ciidankaasi iyo ciidanka Booliska Somaliland.

Iska hor imaadkan ayaa ka dhacay tuuladda Garbohaaray oo saddex kilimitir dhinaca galbeed ka xigta magaalo xuduudeedda Tog-wajaale.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen laba ka mid ah ciidanka liyuu booliska kililka shanaad oo dad ku baadhanaya gudaha xadka Somaliland, sidaasna waxa warbaahinta u sheegay badhasaab ku xigeenka gobolka Gabiley Cali Case.

Badhasaab ku xigeenka gobolka Gabiley iyo taliyaha qaybta Gobolka Gabiley ayaa ka warbixyey sida uu iska hor imaadkaasi u dhacay iyo labada askari ee laga soo qabtay ciidanka liyuu booliska Itoobiya.

“Laba askari oo ka tirsan ciidanka liyuu booliska Itoobiya ayaa usoo talaabay dhinaca Somaliland, tuuladda garbohaaray oo qiyaastii sadex kilo mitir dhinac galbeed ka xigta Wajaale ayey yimaadeen, meeshu waa tuullo yar oo dadkii meesha joogay qaab baadhasho ah kula kaceen, ka dibna booliska loo soo sheegay ka dibna booliskii markiiba wuu ku baxay waxay ugu tageen labaddii askari oo dadkii hor jooga, markii ay gaadheen ayuu labaddii askari ee liyuu booliska ahaa mid ka mid rasaas ku furay ciidankii booliska Somalialnd, ka dibna ciidankeeni rasaas bay kaga jawaabeen waxaanay ninkii kaga dhacday misigta, oo jabniin bay noqotay, labaddii askari waa la qabtay, kii dhaawaca ahaana waxa la geeyey dhakhtarka kii kalena saldhiga booliska”ayuu yidhi badhasaab ku xigeenka gobolka Gabiley Cali Case oo ka warbixinayey siday wax u dhaceen.

Cali Case waxa uu sheegay in goobtii dagaalku ka dhacay ay tageen wefti ka scoda Somalilnad iyo kililka shanaad, taas oo la ogaaday inay khalad usoo talaabeen ciidanka Liyuu booliska Kililka shanaad,isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “aniga iyo taliyaha qaybta gobolka Gabiley waxaanu tagnay goobtii ay wax ka dhaceen, masuuliyiin ka socda dhinaca kililka oo iyaguna arrinta u yimid ayaanu wada soconay, way ku qanceen in meesha wax ka dhaceen tahay dhinaca Somaliland, garawshiiyo ka bixiyey inay khalad ka dhacayna way qirteen, ka dib waxa nagu codsadeen in lagu soo wareejiyo maadaama oo dhaawac jiro, dhakhtarkii waxa uu cadeeyey in intaas uu qabtay wax ka badan qabin Karin sidaas ayaanu ku wareejinay”

Taliyaha qaybta Gobolka Gabiley Guutaalle oo isna iska hor imaadkaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ labadda askari ee ka tirsan Ciidanka liyuu booliska oo dad ku baadhanaya tuulo dhinaca Somaliland xigta ayaa la noo soo wargaliyey ka dibna markiiba waanu tagnay waxaanay rasaas ku fureen ciidankeenii ka dibna rasaas inta loogu soo jawaabay baa la soo qabtay, markiiba waxaanu gaadhsiinay dawlada dhexe ee Somaliland, halka kililka shanaad-na waa la gaadhsiiyey, khasaaruhuna wuxuu noqday dhaawac mid ka mid askartii liyuu booliska, marka labaddii askari iyo labadoodii qori waanu ku wareejinay Kililka shanaad wada hadal ka dib, khaladka waxa lahaa ciidanka liyuu booliska ee baadhashadda wadday.”,

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.