Home Afsomali Isku day la doonayey in markale Muqdisho loga furo kaniisada madhabta Katooligga...

Isku day la doonayey in markale Muqdisho loga furo kaniisada madhabta Katooligga oo fashil iyo Cabsi ku dhamaatay

Badari ka tirsan Mad-habta Katooligga ayaa sheegay in uu booqasho ku tagay Muqdisho islamarkaana qiimeeyay sida ay suuragal u tahay in la furo Kaniisadda Katooligga ee Magaalada Muqdisho,taas oo hadda bur bursan ka dib markii toogasho lagu dilay baaradirii ugu sareeyey dhismaha kaniisada oo ka so horjeedo xarunka dowlada hoose ee Xamar.

Qoysas barakacayaalk ahaa oo daganaa ayaa laga saarey waxaana loo qeybiyey lacago ay uga guuraan dhismaha kaniisada 18 qoys oo daganaa in kasta oo qaar ka mid ah barakacaashu sheegeen in lacagha laga masuqmaasuqay hadana waa isaga huleeleen oo hada cidi ma dagana ayey yirahdeen

Baadarigan oo lagu magacaabo Giorgio Bertin,ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda degeyso Daacish islamarkaana aysan sahlaneyn in Kaniisad dib looga furo ama gaalo ku nabad gasho xamar .

Waxaa uu sheegay in Kaniisadda kaliya ee Katooligga ku lahaayeen Soomaaliya ay ku taallo Hargeysa taas oo iyana la xiray dhamaadkii sanadkii 2017kii kaddib markii ay hanjabaado la kulmeen maamulka Kaniisaddaas.

Isaga oo la hadlayay Catholic News Service.,ayaa waxaa uu sheegay in Dowlad dhexe oo amniga dadka aan muslimka ahayn damaanad qaadi karta aysan ka jirin Soomaaliya,waxaan uu intaas ku daray in Daacishta Ciraaq iyo Syria looga adkaaday ay hadda degayaan Soomaaliya.

Giorgio Bertin,ayaa sheegay in dagaalyahanno ajaanib ah ay ku qul qulayaan Soomaaliya iyaga oo ku biiraya Daacish,waxaa kale oo uu sheegay in kuwo ka goostay Al-shabaab ay ku biirayaan.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay dhallinyaro Kenyaan ah oo dhawaan ku biiray Daacish kuwaas oo uu sheegay in muuqaal ay iska duubeen ku sheegay in ay weerarayaan Kaniisadaha.

In Soomaaliya Kaniisad laga furo iska daaye,kuwa Ethiopia iyo Kenya ayaa hadda amnigooda halis ku jiraa,Daacish waxaa ay hanjabaad jooga ah ku heysaa Kaniisaha dalalka deriska la ah Soomaaliya”,ayuu yiri Baadariga lagu magacaabo Giorgio Bertin.

Waxaa uu sheegay Daacishta Soomaaliya iyada oo dhaqaale ka heleysa midda Ciraaq iyo Syria in 2016/2017 kii ay weerarro ka fuliyeen Soomaaliya.

Waxaa uu rajo xumo ka muujiyay in kaniisad laga furo Soomaaliya,isaga oo ka walaacsan amniga Kaniisadaha Kenya iyo Ethiopia oo hadda hanjabaadyo wajahaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.