Home Afsomali  Ismail Mukhtar Omar Oronjo Afhayeenka Warfaafinta oo Shaqadii Afhayeenimo ee ugu horeysay...

 Ismail Mukhtar Omar Oronjo Afhayeenka Warfaafinta oo Shaqadii Afhayeenimo ee ugu horeysay soo Saaray warsaxaafadeed canbaareyn ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxay si adag u
Cambaaraynaysaa ficilka lagu dilay Almaas Elman oo maanta ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Marxuumad Almaas Elman waxay ahay gabar da’yar ah oo u Ollo leysa Xuquuqda Aadanaha, islamarkaana aheyd Diblumaasi Soomaaliyeed oo kasoo shaqeysay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya. Sidoo kalana Aabaheed oo isagana lagu xasuusto kaalintii uu ku lahaa ilaalinta Xuquuqda Aadanaha iyo Nabadda oo isaguna sidaasoo kale ugu dhintay Difaacidda Xuquuqda Aadanaha iyo Raadinta Nabada Xisilooni ka dhalata Sooomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay Marxuumad Almaas Allaah uga baryeysaa inuu Janadii Fardowso ka waraabiyo, Samir iyo Iimaana kasiiyo qoyskii, qaraabadii iyo Guud ahaan umada
Soomaaliyeed ee ay ka baxday.

Ugu Dambeyntii Dowladdu waxay shacabka Soomaaliyeed U xaqiijinaysaa inuu socdo Baaritaan adag oo lagu soo qabanayo Cadaaladana lagu hor gaynayo cidii ka danbaysay dilka
gabadhaas qiimaha badan laheyd.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya  Ismail Mukhtar Omar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.