Home Afsomali Israa’iil oo duqayn ku dishay Shacab Falastiniyiin ah

Israa’iil oo duqayn ku dishay Shacab Falastiniyiin ah

Saraakiisha caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in ciidamada Israel ay dileen ugu yaraan toban qof ayna dhaawaceen tobanaan kale intii lagu guda jiray duullaan ay ku qaadeen Daanta Galbeed ee la haysto.

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegtay in dhakhaatiirteedu ay daweeyeen afartan iyo shan qof oo qaba dhaawacyo rasaas ah iyo in ka badan laba boqol oo qof oo oo ay waxyeeleysay sunta dadka ka ilmaysiisa.

Weerarradii ay Askarta Israa’iil ku qaadeen Aagagga u dhow Nablus iyo Jenin ayaa sii xoogaystay sannadkii hore ka dib weerarro is-daba joog ah oo Israa’iil ka dhacay oo ay geysteen kooxo Falastiiniyiin ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.