Home Afsomali Jadwalka doorashada kuraasta Beelaha Banaadiriga oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada kuraasta Beelaha Banaadiriga oo la shaaciyay

Guddiga maamulka doorashooyinka Beelaha banaadiriga ayaa soo bandhigay guddiga xulista Shanta kurri ay leeyihiin Beelaha Banaadiriga, iyaga oo sidoo kale shaaciyay jadwalka doorashada Shanta Kursi ee doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu shaaciyay in 25 Bishaan oo ku beegan Maalinta Jimcaha ah Magaalada Muqdisho lagu qabanayo doorashada Shanta Kursi ee kala ah.

Hop#265 oo uu hadda ku fadhiyo lufti Shariif  Maxamed  Cumar.

2: Hop#266 oo ay ku fadhiso Biibi Khaliif Maxamed.

3: Hop#105 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Jeylaani Nuur Iikar.

4: Hop#084 oo ay hadda ku fadhiso Fahma Axmed Nuur.

5: Hop#034 oo uu ku fadhiyo Khaalid Macoow Cabduqaadir.

Doorashada Soomaaliya ayaa hadda ku socota si dardar leh, waxaana xusid mudan inay harsan tihiin doorashada in ka badan 100 Xildhibaan, iyada oo hal Maalin kaliya ay ka harsan tahay xiligii loo qabtay in la dhameystiro doorashada Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.