Home Afsomali Jadwalka doorashada kuraasta Beelaha Banaadiriga oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada kuraasta Beelaha Banaadiriga oo la shaaciyay

 Jadwalka doorashada kuraasta Beelaha Banaadiriga oo la shaaciyay

Guddiga maamulka doorashooyinka banaadiriga ayaa shaaciyay jadwalka doorashada dhamaan kuraasta Golaha Shacabka ee doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Muqdisho, kuwaas oo la ogeeysiiyay musharrixiinta kuraastaas inay diyaar garoobaan.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu shaaciyay in 21 Bishaan Magaalada Muqdisho lagu qabanayo doorashada Shanta Kursi ee kala ah.

Hop#265 oo uu hadda ku fadhiyo lufti Shariif  Maxamed  Cumar.

2: Hop#266 oo ay ku fadhiso Biibi Khaliif Maxamed.

3: Hop#105 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Neylaani Nuur Iikar.

4: Hop#084 oo ay hadda ku fadhiso Fahma Axmed Nuur.

5: Hop#034 oo uu ku fadhiyo Khaalid Macoow Cabduqaadir.

Todobaadka soo aocda ayaa la filayaa in kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka Beelaha Banaadiriga in lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Previous articleDoorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Muqdisho & Dhuusamareeb
Next articleWadooyinka Magaalada Muqdisho oo u xiran kuraasta baarlamaanka ee la kala boobayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.