Home Afsomali Jadwalka Doorashada Lix kursi oo katirsan gollaha shacabka oo la shaaciyay

Jadwalka Doorashada Lix kursi oo katirsan gollaha shacabka oo la shaaciyay

Guddiga maamulka doorashada heer dowlad goboleed Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay jadwalka doorashada lix kursi oo kamid ah kuraasta gollaha shacabka ee lagu dooranayo magaalada Baydhabo.

Doorashada lixdan kursi ayaa guddiga doorashada Koonfur Galbeed shaaciyeen in ay dhaceyso saddexda bishan Maarso oo ku beegan maalinta khamiista ee soo socota, waxaana kuraastan loo xiray musharaxiin uu wato Madaxweyne Laftagreen.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dedeijinaya doorashada xildhibaanada gollaha shacabka oo hada heer gebo gebo ah maraya, waxaana la filayaa in maamulka Koonfur Galbeed noqdo maamulka labaad ee dhameestira doorashada gollaha shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.