Home Afsomali Jalalaqsi AMISOM iyo Ciidanka Dowlada oo ku dagaalamay

Jalalaqsi AMISOM iyo Ciidanka Dowlada oo ku dagaalamay

Dagaalkaan ayaa  u dhaxeysay Ciidamada AMISOM iyo Ilaalada Guddoomiye kuxigeenka degmada Jalalaqsi ayaa shalay ka dhacay degmadaas, iyadoo iska hor imaadka uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay sheegayaan wararka iska hor imaadka ayaa yimid, kaddib markii ay isku dhaceen Ilaalada Guddoomiyaha iyo Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada ee ku sugan Jalalaqsi ayaa warbaahinta u sheegay in iska hor imaadka ay ku dhinteen illaa labo qof oo shacab ah, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Iska hor imaadkan ayaa daba socota muran u dhaxeeya Saraakiisha AMISOM iyo Guddoomiye kuxigeenka degmada Jalalaqsi.

Ciidamada Jabuuti ayaa bishii May xabsiga u taxaabay Guddoomiye kuxigeenka, kaddib markii uu dhex maray muran dhanka ammaanka ah.

Tan iyo wixii ka dambeeyay mudadaas ayaa waxaa jiray xurguf labada dhinac u dhaxeysay, waxaa taagnaa xiisad labada dhinac u dhaxeysay.

Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa dhowr jeer oo hore waxay isku dhaceen ciidamada dowladda, waxaana ay bilo ka hor askari ka tirsan ciidamada dowladda uu ku dilay Buulo Burde askari ka tirsan Ciidamada Jabuuti, kaddib markii uu u gacan qaaday haweeney qaad iibineysay, waxaana markii dambe askarigaas oo baxsaday ay ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ku dileen duleedka Buulo Burde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.