Home Afsomali James Swan oo amray madaxda Jubbaland in ay xalka gaaraan kuraasta...

James Swan oo amray madaxda Jubbaland in ay xalka gaaraan kuraasta taala garbahaareey

 

 

 

 

DG Jubbaland ayaa ku howlan go’aan ka gaarista 16ka kursi Golaha Shacabka ee Deegaan-Doorashadoodu tahay Magaalada Garbahaarey xarunta Gobolka Gedo oo caqabad iyo culeys ku noqday qabashada doorashadooda.

Madaxda sare ee DG Jubbaland ayaa sameeyay kulamo xal loogu raadinayo ka gudubka caqabadaha waqti dheer qaatay in laga gudbo, waxa ay yeesheem kulamo dhexdooda ah, madaxda federaalka iyo daneeyaasha Soomaaliya ayay kala hadleen balse xal lama helin.

Madaxweynaha DG Jubbaland ayaa u muuqda in uu ku xigeenkiisa koowaad ee Maxamuud Sayid Aadan uu iska xijinayo maadaama uu yahay shaqsiga ugu derjada sarreeyo Dowlad-Goboleedkaas ee wax laga weydiinayo xalka ugu dambeeya.

Axmed Madoobe ayaa 10kii April 2022 si cad u sheegay in Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee DG Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan uu yahay qofka ugu habboon ee wax laga weydiinayo ama looga dambeynayo kuraasta ku qoran Gedo maadaama uu Dowladdii lagu soo dhisay Embagatti-Kenya uu beeshiisa usoo qaaday kuraasta Baarlamaanka.

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jubbaland ayaa kulan ku qabsoomay muuqaalka fogaan-aragga la qaatay Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan la qaatay isaga oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Baarlamaanka & qaar kamid ah Xildhibaannada Federalka ee Gedo kasoo jeeda.

Qoraal kooban oo ay soosaartay Madaxtooyada Jubbaland waxa ay ku sheegtay in kulanka Sayid Aadan iyo Swan uu kusoo dhammaaday is afgarad balse ma sheegin waxyaabaha sida rasmiga ah lagu heshiiyay.

Villa Somalia ayaa rabta in DG Jubbaland ka gacan maroojiso 16ka kursi ee Garbahaarey ku qoran, si go’aankaas loo fuliyo waxa ay geysay Ciidamo intooda badan laga qaaday Muqdisho, Degmooyinka Gobolka Gedo waxaa laga saaray maamulkii iyo Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo haatan ku sugan Kismaayo, halka maamul cusub oo toos ugu xiran Villada uu gacanta ku dhigay Xarunta Gedo oo loo qorsheeyay in Doorashadu ka dhacdo.

Shirarkii Dhuusamareeb iyo kuwii kale ee ka dhacay Muqdisho loogana hadlay Doorashooyinka Dadka waxaa dood aan marnaba dhinac u dhicin ka noqday kuraasta deegaan-doorashadoodu tahay Magaalada Garbahaarey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.