Home Afsomali Janeraal Abuukar Warsame Xuud oo lagu dhagan yahay loona maleynayo in uu...

Janeraal Abuukar Warsame Xuud oo lagu dhagan yahay loona maleynayo in uu deris la noqdo Xasan daahir iyo rooboow

Waxaa Magaalada Muqdisho Maanta soo gaaray Janeraal Abuukar Warsame Xuud oo siweyn uga soo horjeeday habka loo dhisay Maamulka Hir-Shabeelle oo uu wehlinayay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Janeraal Maxamed Warsame Tahliil Biixi iyo Saraakiil kale.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Viidanka xoogga dalka iyo Xubno kale, waxaana safarkiisa Muqdisho ay ka dambeeysay kadib wada-hadallo is afgarad ah oo dhexmaray Janaraal Xuud iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka.
Janeraal Abuukar Warsame Xuud oo hadal kooban siiyay Warbaahinta ayaa sheegay in ay u tanaasuleen dadka Qaranka iyo in uusan burburin maadaama lacag Qaranka uu bixiyay ay wax ku barteen diyaarna u aheyn  in dhibaato u hirseedaan Soomaaliya.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Soomaaliya ay ka difaacayaan cadaw gudaha iyo mid dibadeed, sidoo kalena dhibaatada ka taagan dowladda dhexdeeda ay dalka u geeyneyso burbur

Ugu dambeyn Janera Xuud ayaa sheegay in ujeedka safarkiisa Muqdisho uu yahay arrin federaal maadaama uu qaadacay Maamulka Hir-Shabeelle uuna diyaar u yahay in uu hirseed u noqdo in ummadda Soomaaliyeed la mideeyo.

Janeraal Maxamed Warsame Tahliil Biixi ayaa dhankiisa u mahad celiyay dadkii ka Shaqeeyay inay isku soo dhawaadaan Dowladda Soomaaliya iyo Janeraal Xuud , isaga oo ku amaanay Janeraal Xuud sida uu ku aqbalay guusha la gaaray.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Janera Xuud uu la kulmo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Hadii taa la waayane Xabsiga la dhigi doono uuna la deris noqon doono Xasan daahir iyo roobow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.