Home Afsomali Jawaari oo markii ugu horeysay ka hadlay iscasilaadiisa iyo sababta ka dambeysa

Jawaari oo markii ugu horeysay ka hadlay iscasilaadiisa iyo sababta ka dambeysa

Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga u xaqiijiyay inuu iska casilay xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye (Jawaari) oo si kooban ugu waramay BBC-da ayaa sheegay is casilaadiisa in ay ka dambeysay, kadib markii uu u turay shacabka Soomaaliyeed, danaha guud ee dalka iyo inuu burbur galo Baarlamaanka.

“Waxaan idin xaqiijinayaa inaan iska casilay xilka Afhayeenka Baarlamaanka, waxaan u turay aayaha dalka iyo inuusan imaan khalalaase siyaasadeed oo fog, kaasi oo sababa in dalka uu galo burbur.” Ayuu yiri Gudoomiye (Jawaari).

Faah faahin dheeraad ah kama uusan bixinin sababaha uu isu casilay, iyo talaabada xigta ee uu qaadi doono, mana ay suurtogalin inuuu bixiyo wareysi faah faahsan oo uu bixiyo Gudoomiye (Jawaari) marka laga tago xaqiijinta iscasilaadiisa.

Maalinka Arbacada ah ee soo aadan ayaa waxaa la filayaa in Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) uu khudbad u jeediyo xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo uu kaga hadlayo is casilaadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.