Home Afsomali Jendayi Frazer oo kashiftay dalal doonayey aqoonsiga Somaliland & qaar diidanaa

Jendayi Frazer oo kashiftay dalal doonayey aqoonsiga Somaliland & qaar diidanaa

Kaaliyihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsanayd Afrika, Jendayi Frazer, ayaa sharraxaad ka bixisay mowqifka uu Mareykanku ka qabay goonni-isu-taagga Somaliland, xilligii ay shaqeyneysay iyadoo dhinaca kale kashiftay dalal daneynayey aqoonsiga Somaliland iyo qaar diidanaa.

Wareysi ay Frazer siisay hay’adda madaxa bannaan ee xidhiidhka Arrimaha Dibadda ee fadhigeedu yahay Mareykanka ayay ku sheegtay in dowladdeeda ay markii hore ka sii jeedday arrimaha Somaliland.

Balse waxa ay shaaca ka qaadday in wixii ka dambeeyay 2001-dii uu Aqalka Cad “il gaar ah ku hayay” hannaanka ay ku socotay Somaliland.

Koonfur Afrika ayaa ka mid ahayd waddamada sida xoogga leh u taageerayay in gooni isu taagga Somaliland la aqoonsado sida ay sheegtay.

Sidoo kale Kenya iyo Itoobiya ayaa u dabacsanayd inay taageeraan madaxbannaanida Somaliland, sida ay wareysigan ku xaqiijisay Jendayi Frazer.

Hase yeeshee waddamada Jabuuti iyo Uganda ayaa si wayn uga soo hor jeeday mowqifkaas, sida ay hadalka u dhigtay. Nigeriga ayaa sidoo kale qabtay aragti ay ku taageersanayd Somaliland.

“Qorshaheenna ku aaddan Somaliland ma lahayn wax dhaqdhaqaaq ah ilaa aan si hoose u eegnay wixii ka dambeeyay 9/11 2001 oo ahayd markii lasoo weeraray dhulkeenna. Sidaas awgeed, sagaalkii bilood ee ugu horraysay maamulkii Madaxweyne Push, Soomaaliya kama aysan soo muuqanin liiska mudnaanta” ayuu ayey tiri

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.