Home Afsomali Aqriso magacyada Alshabaab oo xakun dil toogasho ah ku filisay 5 qof...

Aqriso magacyada Alshabaab oo xakun dil toogasho ah ku filisay 5 qof oo ay ku sheegeen basaasiin

Magaalada Jilib ee   ee Jubbooyinka waxaa ka dhacay xukun Xaddu-rido ah, kaas oo lagu fuliyay ugu yaraan shan ruux oo lagu helay falal jaajuusnimo ah.

Dadka xukunka Xadu ridada lagu fuliyay waxay gaarayeen illaa iyo shan ruux, waxayna u kala shaqeynayeen sirdoonnada Maraykanka, Ingiriiska iyo kan dowladda federaalka.

Hoos ka Akhriso Magacyada Shanta ruux ay Shabaab dileen

1-Cabdi casiis Cabdi Salaam Sheekh Xasan  oo 22  sana jir ayaa Al Shabaab sheegeen in uu u shaqeenayay sirdoonka dowlada Mareykanka, waxa ayna sheegeen in Maxkamada ka hor qirtay dambiyada lagu soo eedeeyay.

2-Maxamed Cabdullaahi Cawil oo 35 sana jir ayaa lagu eedeeyay in uu la shaqeenayay ciidamada Mareykanka , waxa ayna sheegeen in ninkan uu Mareykanka ku hogaaminayay weerar ka dhacay degmada Saakow.

3-Jeyllaani Cabdullaahi Nuur oo 36 sana jir ayaa Al Shabaab sheegeen in uu la shaqeenayay Sirdoonka dowlada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka, waxaana lagu eedeeyay in qalab ku xiray labo gaari oo la duqeeyay  sidoo kale macluumaad gudbiyay.

4-Cawaale Axmed Max’med 32 sana jir ayaa isna lagu eedeeyay in uu u shaqeenayay Sirdoonka Britain MI5, waxaana Shabaab sheegeen in uu katirsanaa kooxda Daacish isagoo jaajuusna u ah MI5, waxaa sidoo kale ninkan sheegeen in uu jaajuusi jiray Soomaali kunool dalka Britain uu ka yimid ninkan.

5-Cabdu Qaadir Isxaaq Amiin ayaa isna Al Shabaab ku eedeeyeen in uu katirsanaa sirdoonka dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana Maxkamada Shabaab sheegtay in uu qirtay dambiyada loo heestay.

Boqollaal ruux oo kamid ah dadka Jilib degan ayaa isugu soo baxay fagaaraha weyn ee Macallin Aadan, halkaas oo uu ka dhacay xukunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.