Home Afsomali Jimciyatul Axbaab Oo Bulshada Ugu Baaqday Xuska iyo Weynaynta Habeenkii Nabigeeni Muxamed...

Jimciyatul Axbaab Oo Bulshada Ugu Baaqday Xuska iyo Weynaynta Habeenkii Nabigeeni Muxamed SCW La Dheelmiyey

Jimciyatul Axbaab Oo Bulshada Ugu Baaqday Xuska iyo Weynaynta Habeenkii Nabigeeni Muxamed SCW La Dheelmiyey.

Hargeysa( )- Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qabanqaabbinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga ah ee (Jimciyatul Axbaab) ayaa waxa ay Bulsho weynta  Soomaaliyeed iyo Shucuubta Islaamka meel kasta oo ay dunida ka joogaan ugu baaqaysaa inay sidii ay weynayn lahaayeen una xusaan lahaayeen, habeenkii Nebigeenii Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee la dheelmiyey ee Laylatul Israa-wal-micraaj.

War-saxaafadeed kasoo baxay xarunta guud ee Jimciyatul Axbaab ee Hargeysa oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

WAR-SAXAAFADEED

Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qabanqaabbinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga ah ee (Jimciyatul Axbaab),  oo ah jimciyad khayriya oo xarunteeda guud tahay caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxa ay Bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ogaysiinaysaa isla-markaasina ku baraarujinaysaa sidii ay u waynayn lahaayeen, una xusi lahaayeen Habeenkii la dheel-miyey Nebi Muxamed (S.C.W) ee Laylatul Israa-wal-micraaj. Habeenkan oo mudan in la qiimeeyo lana weyneeyo xuskiisa oo ku beegan,  27 Rajab 1443 oo waafaqsan 28 Feb 2022.

Jimciyatul Axbaab waxa ay ummadda Soomaaliyeed ee abaaruhu hayaaan, ilaahay uga baryeysaa, in ilaahay Abaaraha, Sixir bararka iyo dhamaan dhibaatooyinka bulsho ee ay ka cabanayaana si degdega uga dul-qaado.

Sidoo kale Jimciyatul Axbaab waxa ay bulshada Somaliland ku adkaynaysaa inay u midoobaan isla markaasina meel uga soo wada jeestaan adkaynta iyo ilaalinta nabadgalyada iyo waxkasta oo wiiqaya midnimada Qaran-nimada Somaliland.

  Allaa Mahad leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.