Home Afsomali Jowhar Askari nin u toogtay lacag ka yar Nur Doolar

Jowhar Askari nin u toogtay lacag ka yar Nur Doolar

Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in askari ka tirsan Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle uu Nin Ganacsade ahaa u diley Shan Kun oo Shilin Soomaali ah.

Dilka Ninka ayaa yimid, kadib markii Askariga uu weeydiistay in uu bixiyo lacagta ninka oo Suuqa Jowhar ku iibinayey Mallaay, hayeeshee uu sheegay in uu hadda heyn balse xabad uu ku dhuftay, sida uu sheegay qof kamid ah dadka Magaalada Jowhar.

“Isii 5 kun Sh. Somali ah Wallow ma haayo ilaa aan ka gadanayo mallaayga aan soo qaatay isug, maya madaxa ayuu uga dhuftay xabad, Shan kun darteed ayuu u dilay, waxaana ka codsanayaa laamaha amniga in sharciga la horkeeno dilaaga si xaqdarada ah ku dilay maskiinkaan ayuu yiri” qof kamid ah dadka Jowhar.

Askariga dilka geystey ayaa la sheegay inuu ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay waxaana baadigoob ugu jira ciidamada booliska magaalada Jowhar.

Dad ka careysan dilka wiilkan oo magaciisa lagu sheegay Yaasiin Muxumad  Maxaad oo 33 jir ah ayaa waxaa ay banaanbaxyo ka dhigeen wadooyinka magaalada Jowhar iyagoo hakad muddo kooban ah ku yimid isu  socodka dadka iyo gaadiidka qeybo ka mid ah magaalada Jowhar.

Wiilkaan Maanta lagu dilay Magaalada Jowhar ayaa waxaa xusid mudan in wiil la dhashay sanadkii hore uu diley mid ka mid ah ciidamada milatariga xaafada Horseed ee magaalada Jowhar, waxaana marxuumkaas isna lagu magacaabi jiray abdicasiis  Muxumad  Maxaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.