Home Afsomali Jowhar oo ay ka dhacday Dil iyo boob raashin mucaawino ah ka...

Jowhar oo ay ka dhacday Dil iyo boob raashin mucaawino ah ka dibna suuqyada lagu kala iibsaday

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowlada uu ku diley wiil dhalinyaro ah magaalada Jowhar xilli ay socotay qeybinta gargaar cunto ah oo ay Saldanada Cummaan soo gaarsiisay magaalada Jowhar.

Deeqadan cuntada ah oo loogu talogalay dadka Soomaaliyeed bishan Ramadaan ayaa maamulka gobolka Sh/dhexe bilaabay inuu ka qeybiyo magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle,hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in deeqda gargaarka ah ay intoodii badneyd qaateen ciidamadii ilaalada ka ahayd.

Xasan Maxamed Xasan oo kamid ahaa dhalinyarada magaalada Jowhar ayaa la sheegay in mid ka mid ah ciidamadii halkaa ku sugneyd uu si ulakac ugu dhuftay rasaas isagoo isla goobta uu ku geeriyooday.

Wararka waxa ay sheegayaan in maanta iyo shalay laga maqlayay magaalada Jowhar rasaas badan oo ay ridayeen ciidamada waxaana suuqyada magaalada Jowhar la geeyay raashinkii gargaarka ahaa iyadoo raashinka gargaarka ahna uu ka koobnaa bariis,sokor,bur,saliid,baasto iyo caano.

Illaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dilka wiilkan dhalinyarada ah ee ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan degmada Jowhar.

Previous articleVIDEO Ra’iisalwasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa ka hadlay Dagaalka Tukaraq
Next articleVIDEO Roob xoogan oo ka da,ay Gobolka Banaadir ayaa saameyn weyn ku yeeshay Nolosha Qoysas Degan Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho (DAAWO SAWIRADA)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.