Home Afsomali Jubbaland oo Hay’adaha samafalka kala hadashay gurmadka Abaaraha

Jubbaland oo Hay’adaha samafalka kala hadashay gurmadka Abaaraha

Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa Kulan laqaatay masuuliyiinta Hay’adda Gift of the Givers, ayadoo laga wada hadlay saameynta abaaraha iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Hay’adda Gift of the Givers ayaa lagu wadaa in ay Xarumo Samafal ka hergaliso Degaannada Jubbaland, si’ wax looga qabto xaaladaha bini’aadantinimo ee kajira Degaanka, tasoo ay sababtay abaaraha ba’an ee ka jira Jubbaland.

Waxaana kulankaan qayb ka ahaa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland iyo Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland.

Degaannada Jubbaland ayaa waxaa ay kamid yihiin meelaha ugu daran ay abaarta siweyn u saameysay dadka kunool, waxaana jirin gurmad ay ka heleen dowladda Soomaaliya, Maamulka Jubbaland iyo Hay’adaha samafalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.